RASMI: Tababare Julen Lopetegui Oo Laga Ceyriyay Shaqada Xulka Qaranka Spain & Sababta Ka Dambeysa Oo La Helay.

Xiriirka kubadda cagta dalka Spain ayaa go’aansaday iney shaqada ka ceyriyaan Julen Lopetegui laba maalmood ka hor kulankooda ugu horeeya wareega group-yada ee ay la ciyaarayaan Portugal..

Sheekadaan layaabka leh ayaa ka dambeysay kadib marki wax ka yar 24-saacadood ka hor loo magacaabay macalinka badali doona Zinedine Zidane, arrintaan ayeyna dhabar jab u arkeen xiririka kubadda cagta Spain.

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Spain Luis Rubiales ayaa la filayay inuu qeyb ka noqon doono shirweynaha FIFA ee maanta lagu qabanayay magaalada Moscow ee dalka Russia halkaas oo ay ku kulmayaan madaxda xiriirada kubadda cagta ee hoos yimaada ururka ugu weyn kubadda cagta.

“Waxaa nalagu qasbay inaan ka takhalusno tababaraha qaranka. Waxaan u rajeyneynaa nasiibka ugu weyn” ayuu yiri Rubiales oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee lagu ceyriyay tababarahii hore Porto.

“Wadahadalada waxey dhaceen iyadoo aan wax xog ah lasoo siinin xiriirka kubada cagta Spain, waxaana nalagu wargaliyay shan daqiiqo ka hor inta aan saxaafadda lasiinin warka oo rasmi ah, waxaa jirta hab loo daboolo waxyaabaha baahida loo qabo in la fuliyo” ayuu mar kale yiri Rubiales.

Sidoo kale wuxuu ka gaabsaday madaxweynaha inuu xaqiijiyo shaqsiga badali doona, wuxuuna hoosta ka xariiqay iney la hadli doonaan ciyaartoyda isla markaana wixii war ah ay dib kasoo sheegi doonaan.

“Waxaan qaatay diyaarad anigoo kasoo laabtay Moscow, waxaan seegay codeynta loo qabanayay halka lagu martigalin doono koobka Aduunka, waa inaan ka falcelinaa, waan ogahay wax walba oo aan sameeyo in la igu dhaleeceyn doono, balse waa inaan aqbalo”