RASMI: Tababaraha Xulka Qaranka Portugal Ee Fernando Santos Oo Ku Dhawaaqay Liiska Hordhaca Ah Ee Xulka Qarankiisa Koobka Aduunka Uga Qayb Gali Doona.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, May 15, 2018

Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa ku dhawaaqay liiska hordhaca ah ee xulka qarankiisa uga qayb gali doona koobka aduunka wuxuuna liiskan ka reebay Renato Sanches oo ku fashilmay horyaalka Premier league iyo kooxda heerka labaad u dhacday ee Swansea City.

Inkasta oo uu Renato Sanches door muhiim ah ka soo ciyaaray in xulka qaranka Portugal uu markii abid ugu horaysya ku soo guulaystay koobka qaramada Yurub ee euro2016, haddana tan iyo markii waqtigaas ka danbeeyay Renato Sanches ayaa noqday mid fashilmay oo horumarkii cajiibka ahaa joojiyay kadib markii uu Bayern Munich ku biiray ee uu haddana amaah ugu wareegay Swansea.

Cristainno Ronaldo ayaan xulka qarankiisa Portugal u safan doonin kulanka ugu soo horeeya ee dhamaadka bishan oo May 28 ay la ciyaari doonaan Marocco maadaama oo ay noqonayso laba maalmood oo kaliya kadib marka uu Real Madrid u safto finalka Kiev ee Champions League.

Ruug cadaaga ay Ronaldo sida wayn isku fahmaan ee Ricardo Quaresma ayaa sidoo kale liiskan ku soo baxay laakiin inta ka horaysa June 4, waxaa macalinka Portugal waajib ku noqonaysa in liiska 23-ka ciyaartoy ee Russia u duuli doona uu FIFA u gudbiyo maadaama oo liiskan hordhaca ahi uu ka kooban yahay 35 ciyaartoy.

Liiska Hordhaca Ah Ee Xulka Qaranka Portugal Ee koobka Aduunka:

Goolhayayaasha: Anthony Lopes (Lyon), Beto (Goztepe), Rui Patrício (Sporting)

Difaaca: Antunes (Getafe), Bruno Alves (Rangers), Cédric Soares (Southampton), João Cancelo (Inter), José Fonte (Dalian Yifang), Luís Neto (Fenerbahçe), Mário Rui (Nápoles), Nélson Semedo (Barcelona), Pepe (Besiktas), Raphael Guerreiro (Dortmund), Ricardo Pereira (FC Porto), Rolando (Marselha) e Rúben Dias (Benfica)

Khadka dhexe: Adrien Silva (Leicester), André Gomes (Barcelona), Bruno Fernandes (Sporting), João Mário (West Ham), João Moutinho (Mónaco), Manuel Fernandes (Lokomotiv), Rúben Neves (Wolverhampton), Sérgio Oliveira (FC Porto), William Carvalho (Sporting)

Weerarka: André Silva (Milan), Bernardo Silva (Manchester City), Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Éder (Lokomotiv), Gelson Martins (Sporting), Gonçalo Guedes (Valência), Nani (Lazio), Paulinho (SC Braga), Ricardo Quaresma (Besiktas), Ronny Lopes (Mónaco)

7 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. abdi 17-05-2018 at 3:37 pm -

    bilaha naga sax saxibayaal 26 may IYO
    20. Juni
    Portugal
    14:00

    Marokko

  2. Abdisamad 17-05-2018 at 2:46 pm -

    Cristainno Ronaldo ayaan xulka qarankiisa Portugal u safan doonin kulanka ugu soo horeeya ee dhamaadka bishan oo May 28 ay la ciyaari doonaan Marocco maadaama oo ay noqonayso laba maalmood oo kaliya kadib marka uu Real Madrid u safto finalka Kiev ee Champions League hhhhhhh hhhhh hh may 26 iyo June 20 haahahahahaha

    • abdi 17-05-2018 at 3:33 pm -

      hahahaah wey kaga dhacdey

  3. salmaan 16-05-2018 at 10:46 am -

    Siduu ku seegayaa cristiano kulanka ugu horreeya ee qarankiisa, finalka champions leugue waxaa la ciyaarayaa 26 may, portugal iyo marocco waxay wada ciyaarayaan 20 june marka sideed wax u wadaan.

  4. damma 16-05-2018 at 3:47 am -

    waa liis wanaagsan waan qaadanaynaa koobka

  5. axmed m. cabdulle uurdoox 15-05-2018 at 10:18 pm -

    Portuqal laacibkii caalamka ku jira laakiin waa ku adag tahay inay kama dambeys soo gaaraan Renato in laga yimaadana dan bay noqotay mana aha xidigii 2016 waa is baabiyay qaab ciyareedka

  6. saacid cirguje 15-05-2018 at 9:22 pm -

    nice