RASMI: Tababaraha Xulka Qaranka Brazil Ee Tite Oo Ku Dhawaaqay Liiska 23-ka Xidig Ee Uu Koobka Aduunka Russia Kala Qayb Galayo.

by Mohamoud Batalaale | Monday, May 14, 2018

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska 23 ka ciyaartoy ee qarankiisa uga qayb gali doona koobka aduunka ee bisha soo socota ka furmi doona dalka Russia. Tite ayaa bishii February shaaciyay in 15ka mid ah liiska ciyaartoyda xulka qarankiisa uu sii shaaciyay in ay koobka aduunka ka soo muuqan doonaan taas oo uu ka run sheegay oo aanu waxba ka badalin.

Dani Alves ayaa koobka aduunka dhaawac ku seegaya wuxuuna ka maqan yahay liiska Tite uu soo saaray taas oo la micno ah in difaaca midig ee kooxda Manchester City ee Danilo uu booskan kula tartami doono Fagner  oo ka tirsan kooxda ree Brazil ee Cortinhians.

Neymar Jr oo dhaawac ka soo laabtay ayaa liiska xulka qarankiisa hogaaminaya waxaana kula jira Roberto Firmino oo wacdaro ka soo dhigay Liverpool si la mid ah da’yarka Manchester City ee Gabriel Jesus iyo Douglas Costa oo Juventus ka tirsan.

Xidiga ay kooxaha Manchester United iyo Manchester City ku tartamayaan ee Fred oo ka tirsan kooxda Shakhtar ayaa liiska Tite ee koobka aduunka ku soo baxay, laakiin waxaa liiskan ku soo baxay Pedro Geromel oo ka tirsan kooxda ree Brazil ee Gremio waxaana sidii la filayay liiskan ku jira Marquinhos, Thiago Silva iyo Miranda.

Liiska Xulka qaranka Brazil ee Koobka Aduunka Uga Qayb Galaya:

Goolhayayaasha: Alisson (Roma), Ederson (Man City), Cassio (Corinthians)

Difaac Danbeeyada: Marcelo (Real Madrid) Danilo (Man City), Filipe Luis (Atletico Madrid), Fagner (Corinthians).

Difaaca dhexe: Marquinhos (PSG), Thiago Silva (PSG), Miranda (Inter Milan), Pedro Geromel (Gremio).

Khadka Dhexe: Willian (Chelsea), Fernandinho (Man City), Paulinho (Barcelona), Casemiro (Real Madrid), Philippe Coutinho (Barcelona), Renato Augusto (Beijing Guoan), Fred (Shakhtar).

Weeerarka: Neymar (PSG), Gabriel Jesus (Man City), Roberto Firmino (Liverpool), Douglas Costa (Juventus), Taison (Shakhtar).

127 Shares

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Los blancos 15-05-2018 at 12:44 pm -

    Keeper : Ederson

    Defenders : marcelo, david silva , marquinhos , Flipe luis.

    Midfielders : cassemiro , fernandinho , philippe countinho.

    Strekers : neymar , firminho , cousta

  2. axmed uurdoox 14-05-2018 at 11:59 pm -

    Brazil oo ka tagtay timo Wayne devid luwis waxaan ka xumahay maqnaanshaha libaaxoodii 2 Alvis booskaana danilo kama bixi karo