RASMI: Tababaraha Xulka Qaranka Argentina Ee Jorge Sampaoli Oo Ku Dhawaaqay Liiska Hordhaca Ah Ee Koobka Aduunka Qarankiisa Oo 35 Ciyaartoy Ka Kooban Iyo Mouro Icardi Oo Ugu Danbayn Lagu Soo Daray.

by Mohamoud Batalaale | Monday, May 14, 2018

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Jorge Sampaoli ayaa soo saaray liiska hordhaca ah ee xulka qarankiisa uga qayb gali doona koobka aduunka wuxuuna liiskani ka kooban yahay 35 ciyaartoy iyada oo FIFA doonaysa in 23 ciyaartoy lagala qayb gali karo koobka aduunka. Laakiin Jorge Sampaoli ayaa magacaabay 35 ciyaartoy oo uu ka soo xulan doono 23 ka xidig ee ugu danbayn Russia u duuli doona.

Warka ugu wayn ayaa ah in Jorge Sampaoli uu liiska xulka qarankiisa Argentina ku soo daray kabtanka kooxda Inter Milan ee Mouro Icardi kaas oo si joogto ah looga reebayay qarankiisa inkasta oo uu bandhig cajiib ah ka sameeyay xili ciyaareedkan horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Inkasta oo aanu wali liiskani ahayn kii kama dabaysta ahaa, haddana in Jorge Sampaoli uu liiska qarankiisa ku soo daray Icardi ayaa muujinaysa in uu Russia u kaxaysan karo maadaama oo ay Argentina dagaal wayn ugu jirto in ay koobka aduunka saamayn wayn ku yeelato.

Jorge Sampaoli ayaa liiska 23 ka ciyaartoy ee xulka qarankiisa Argentina uga qayb gali doona koobka aduunka waxa uu si rasmi ah u shaacin doonaa ka hor June 4 markaas oo ah waqtiga kama danbaysta ah ee ay FIFA u qabtay in dhamaan 32ka xul qaran ee koobka aduunku ayna ka danbayn karin in liiska 23ka ciyaartoy ay soo gudbiyaan.

Xidigaha magac wayn ee sida Lionel Messi, Sergio Aguero, Nicolás Otamendi, Paulo Dybala  iyo Gonzalo Higuaín ayaa liiskan hogaaminaya iyada oo ay jiraan magacyo cusub oo uu Sampaoli tijaabada marin doono ka hor inta aanu go’aan kama danbays ah ka gaadhin.

Liiska Hordhaca Ah Ee Xulka qaranka Argentina Ee Uu Jorge Sampaoli Magacaabay:

Goolhayayaasha: Sergio Romero, Nahuel Guzman, Willy Caballero, Franco Armani.

Difaaca: Gabriel Mercado, Nicolás Otamendi, Federico Fazio, Nicolás Tagliafico, Marcos Rojo, Marcos Acuña, Ramiro Funes Mori, Cristian Ansaldi, Eduardo Salvio, Germán Pezzella.

Khadka dhexe: Javier Mascherano, Ángel Di María, Ever Banega, Lucas Biglia, Manuel Lanzini, Gio Lo Celso, Ricardo Centurión, Guido Pizarro, Leandro Paredes, Maximiliano Meza, Enzo Pérez, Pablo Pérez, Rodrigo Battaglia.

Weerarka: Lionel Messi, Sergio Agüero, Gonzalo Higuaín, Paulo Dybala, Mauro Icardi Cristian Pavón, Lautaro Martínez y Diego Perotti.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. fahmi 16-05-2018 at 3:44 pm -

    Waa xul adag argentina
    Wayna uqalmaan kobka sanadkan
    Guuuul urajaynayaaa

  2. Houssein Farah ahmed 15-05-2018 at 12:30 pm -

    il va gagne le Allemagnes ms j ai le vive de argentine vs Allemagne