RASMI: Tababaraha PSG Ee Unai Emery Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka Real Madrid, Xidiga Maqan Iyo PSG Oo Madrid U Duushay.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Feb 13, 2018

Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emeryayaa soo saaray liiska 19 ka ciyaartoy ee kooxdiisa uga qayb gali doona kulanka Real Madrid ee habeen danbe. Waxaa liiskan ka maqan afar ciyaartoy isaga oo Emery go’aan ku gaadhay in uu ciyaartoydan liiskiisa ka reebo waxayna haddaba ciyaartoyda PSG u duuleen caasimada Madrid ee dalka Spain iyaga oo tababar diyaar garow ah ku sii qaadan doona Estadio Santiago Bernabéu.

Unai Emery ayaa liiska ciyaartoyda kooxdiisa PSG ka reebay xidiga khadka dhexe ee Thiago Motta  kaas oo si buuxda maalmihii ugu danbeeyay tababarka u qaadanayay waxaana booskiisa lagu buuxiyay xidigii hore ee kooxda Real Madrid ee Lassana Diarra oo suuqii bishii January si xor ah ugu soo biiray PSG.

 
Waxa kale oo liiska PSG ee kulanka Real Madrid ka maqan Hatem Ben Arfa, Nkunku iyo Cibois oo dhamaantood tababarka looga tagay. Laakiin dhamaan ciyaartoyda muhiimka ah ee PSG ayaa liiskan ku soo baxay.
Neymar jr
Halkan kaga bogo liiska Ciyaartoyda PSG ee Kulanka Real Madrid iyo qaabka ay PSG U Soo Saartay:
AREOLA Alphonse
BERCHICHE Yuri
CAVANI Edinson
DANI ALVES
DI MARIA Angel
DIARRA Lassana
DRAXLER Julian
KIMPEMBE Presnel
KURZAWA Layvin
LO CELSO Giovani
MARQUINHOS
MBAPPÉ Kylian
MEUNIER Thomas
NEYMAR JR
PASTORE Javier
RABIOT Adrien
THIAGO SILVA
TRAPP Kevin
VERRATTI Marco

14 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. cabdisalaan xuutaa 14-02-2018 at 3:10 pm -

    aadbuu umahadsanyhy coachku sifiican ayuu uwadaa hawsha caaawa guuuul dhinaceena weeye MCN wacdaro kadhiga Santiago hala psg hala psg hala psg

  2. abdiqani hariir 14-02-2018 at 11:47 am -

    psg Ayaa championka hanaaneysa
    kanaxow nafta waa viva neymar

  3. abdiqani hariir 14-02-2018 at 11:46 am -

    yaryarku wey iska ciyarayaan Baaska
    Neymar Jr caawa ilaah idinka qabta waad leedihiin psg 4-0 real Madrid
    jabkeedi waa caawa hhhhhhhh

  4. Darba 14-02-2018 at 9:39 am -

    Waaa hoogii iyo jabkii kooxdaan carabta kaga dhamaatay dhaqalahooda vi real 2 :0 bensima and ronaldo

  5. Mahamed ali mire 14-02-2018 at 6:48 am -

    Psg 5_0 real madrid ciyartu sas bay ku so dhamanaysa
    1 neymar 21:2
    2 cavani 44:2
    3 di maria 55:4
    4 neymar 64:3
    5 rabiot 81:1

  6. Ibrahim khadar hadame 14-02-2018 at 1:46 am -

    psg ooo kabaha ka tagta oo gurigeeda cago cadaan ku gasha ayaaan rajaynaynaaa
    lkn what’s time and who is the arabic commentry
    inaad soo raacisaan baa fiican

    • Abdiqadir 14-02-2018 at 3:14 am -

      10:45 habeenimo
      Rauf khalif

  7. Abdiwaasac Hussein 14-02-2018 at 1:45 am -

    KUSOO DHAWADA HOOGIINI & CIDHIBTIRKIINA KOOBKA DHAGAHA WEYN LET!!!!!

  8. Suleyman abdi ahmed 13-02-2018 at 11:30 pm -

    Losblancos u sheg sxb

  9. losblancos 13-02-2018 at 11:24 pm -

    naadi lacagi gashay baanu haben dambe khasaraynaa haddu carabku dib u iibin waayo rag badan uu neymar ka mid yahay , real waa real weyna soo baxaysa waxani waa champion league markanu heestisa maqalno baanu dhaqaqnaba bahalkani horyal buu noo yhy markii sadexad banu qadaynaa waana la arki doona, yaryarkani yeyna soo lugo’in meshani waa santiago bernabeu e

  10. Suleyman abdi ahmed 13-02-2018 at 11:12 pm -

    Neyga shim on you psg ha,isku haleynin

  11. Suleyman abdi ahmed 13-02-2018 at 11:09 pm -

    Asc all asxbt, marka hore qof walba fartuu yiqano ama wuxuu yaqqno PSG waa team weyn oo magac le oo hadana wadataa players magac le sida namer jr, cavani, mppe. Real mdrd sido kake waa team weyn libaxyada waa CR7,GB,KB iyo da,yarka aadka u kacsan ee sensio. Balse PSG waa looga far yaqaanaa dhanka champions ka xagiisa hadii loo kaco. Real Mdrd so iwish Real mdrd waxay ku badaneysaa 4-1.
    4 real 1psg Cr7 will scor.

  12. neyga 13-02-2018 at 10:47 pm -

    kkkkk war heedhe barcelona iyo real iskumid maaha waalagabadinayaa real
    madrid hajabto hadhacdo hakufto hadhimato waanebcahay real madrid

  13. mursal 13-02-2018 at 9:13 pm -

    aabo soogala bari haddi sidii barcelona la idin buuxiinin