Rasmi: Spain Oo Tababare Cusub Loo Magacaabay Kaddib Markii La Eryey Julen Lopetegui

Agaasimaha ciyaaraha Spain Fernando Hierro ayaa xulka qaranka ku hoggaamin doona koobka aduunka.

Hierro, kaas oo qeyb ka ahaa kooxda Spain ee tartanka Russia auaa loo magacaabay xilii laga eryey Julen Lopetegui maanta.

Julen Lopetegui waxaa laga cayriyey shaqada Spain kaddib markii ay salaasaddii Real Madrid xaqiijiyey in ay u magacawday xilla tabababare ee kooxda kaddib is casiladdii Zinedine Zidane.

Julen Lopetegui waxaa isna la cayriyey laba maalin kahor kulanka kowaad ee La Roja ee ay koobka aduunka la dheeleyso Portugal oo ay ka wada tirsan yihiin Group B.

Hierro,kaas oo ku lug lahaa xulkii Spain ee koobka aduunka ku guuleystay 2010-kii  ayaa markan tijaabin dooonnaa dorkiisa tababarenimo.

50 jirka waxa uu gacan yare ugu noqday Carlo Ancelotti kooxda Real Madrid 2014-kii halka uu soo leyliyey kooxda reer Spain ee Real Oviedo ol’olihii 2016-17.

Xiriirka Kubadda Cagta Spain Oo Eryey Julen Lopetegui

1 Comment

Comments are closed.