RASMI: Sergio Ramos Oo Dhaawacii Sanka Kasoo Gaaray Ku Seegaya Kulanka APOEL Nicosia & Liiska 20-ka Xidig Ee Safri Doona Oo La Shaaciyay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Nov 20, 2017

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda kooxda ee u safri doona dalka Cyprus si ay kulanka shanaad ee wareega group-yada tartanka Champions League ula soo ciyaaraan kooxda Apeol Nicosia.

Sergio ayaa sanka ka jabay kulankii ay kooxdiisa barbaraha gool la’aanta ah la galeen kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Atletico Madrid ciyaar ka dhacday garoonka Wanda Metrapolitano.

Tani waxey dhibaato weyn ku tahay kooxda Los Blancos inkastoo aan la ogeyn hadii uu seegi karo kulanka xiga ee horyaalka oo ay sabtida la ciyaari doonaan Malaga.

Los Blancos waxaa wali ka maqan goolhaye Keylor Navas kaas oo dhawr kulan dhaawac kaga maqan kooxda, sidoo kale waxaan safarkaan raaci doonin xidigaha Gareth Bale & Kovacic kuwaas oo iyagana siyaabo kala duwan uga maqan.

Kovacic waa taam balse kulanka wuu ku dhaw yahay sidaas darteed wuxuu kooxda kusoo laaban karaa kulanka Malaga.

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Casilla, Moha, Carvajal, Vallejo, Varane, Nacho, Marcelo, Theo, Achraf, Kroos, Modric, Casemiro, Marcos Llorente, Asensio, Isco, Ceballos, Ronaldo, Benzema, Lucas Vazquez iyo Borja Mayoral.