RASMI: Santi Cazorla Oo Muddo SADDEX Bilood Ah Garoomada Ka Maqnaanaya Iyo Arsenal Oo Xaqiijisay In Cazorla Uu Sweden Qaliin Ku Mari Doono

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 1, 2016

Arsenal ayaa heshay war naxdin leh isla markaana loogu sheegay in xidiga khadka dhexe ee Santi Cazorla  uu qaliin mari doono isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono muddo saddex bilood ah. Tan iyo markii uu Cazorla dhaawucu soo gaadhay ayay Arsenal u jabtay hal abuurkiisii khadka dhexe wuxuuna Arsene Wenger muddo dheer waayi doonaa adeega xidiga ree Spain.

Cazorla ayuu dhaawac canqawga ahi ku soo gaadhay kulankii Champions Leaque-ga ee ay Arsenal 6:0 ku xasuuqday kooxda Ludogorets ee la ciyaaray October 19, wuxuuna tan iyo markaas la dhibtoonayay xaalada dhaawac ee soo gaadhay.Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in horaanta usbuuca danbe uu Cazorla u safri doono Sweden si uu qaliin u soo maro.

In Cazorla uu qaliin mari doono isla markaana uu waqti dheer garoomada ka maqnaan doono ayaa soo baxday in ka yar 24 saacadoo markii Arsenal laga cidhib tiray Leaque Cupka isla markaana uu Wenger sheegay in soo kabsashada Cazorla uu kaliya barar dib u dhigay isla markaana aanu jirin dib udhac wayni balse hadda warkaas mid ka duwan ayaa soo baxay.cazorla

Zanti Cazorla ayaa xili ciyaareedkii h--e shan bilood la maqnaa dhaawacyo soo gaadhay wuxuuna todobaadka danbe u safrayaa dalka Sweden oo uu qaliin canqawga ah ku mari doono.Kadib markii uu Cazorla Arsenal ka soo caawiyay in ay soo wada guulaysto 7 kulan oo xidhiidh ah  ayay 9 kii kulan ee uu ka maqnaa afar kulan barbaro gashay, hal kulan ayay guuldaraystay iyada oo afar kulana guulaysatay.

Like it? Share it!

Leave A Response