RASMI: Real Madrid Oo Soo Saartay Liiska Ciyaartoyda Ay Ku Wajahi Doonaan Paris Saint Germain & Dani Carvajal Oo Seegaya.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Feb 13, 2018

Tababare Zinedine Zidane ayaa soo doortay dhamaan ciyaartoydiisa marka laga reebo laba xidig oo siyaabo kala duwan uga maqanaan kara, Dani Carvajal oo ganaax ku seegaya ciyaartaan, iyo sidoo kale Jesus Vallejo oo isna kulankaan laga yaabaa inuusan ciyaarin maadaama uu dhaawac qabo, balse liiska kama baaqsan.

Macalinka reer France kulankaan wuxuu u yeertay sadex goolhaye oo uu ku jiro wiilkiisa Luca, sdoo kalana weeraryaanada BBC oo ay u badan tahay iney kusoo bilaaban doonaan kulanka xiisaha leh ee habeen dambe ayaa liiska ku jiraa iyadoo uusan ka marneyn wiilka yar ee Mayoral.

Goolhayeyaasha: Keylor Navas, Casilla and Luca.

Daafaca: Carvajal, Vallejo, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Theo and Achraf.

Khadka Dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Llorente, Asensio, Isco, Kovacic and Ceballos.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Benzema, Bale, Lucas Vázquez and Mayoral.

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Zaki 14-02-2018 at 7:17 pm -

    Halla madred guul waana
    Naadi champion
    Halla
    Halla
    Halla

  2. c casiis nimcaan 14-02-2018 at 12:20 pm -

    haduu seegayo maxaad kulanka ugu soo darteen cavajal

  3. waabari xuseen 14-02-2018 at 2:27 am -

    waa si fcn angu waa nu zoo dhaafi danaa psg inkas too ay adag tahy hda champoin luege hall madrid ma kaftn to psg vs real mdr 1-2

  4. Mahamud 14-02-2018 at 1:19 am -

    Waxan filayaa inan godbi dono dhiba aan kala kulanee wayo psg xagagan waa xagantahy se real waa koox weyn wiliba ku xil dheer qadista champion leuge marka naasib wacan jamahirta real halla halla Madrid

  5. Abdullrashiid 13-02-2018 at 8:46 pm -

    Haduu seegayo kulanka maxaad liiska ugu soo darteen Carvajal