RASMI: Pierre-Emerick Aubameyang Oo Gool Dhalinta Horyaalka Bundesliga-ha Ku Garaacay Robert Lewandowski .

by Mohamoud Batalaale | Saturday, May 20, 2017

Xidiga xulka qaranka Gabon iyo kooxda Bursia Dortmund ee  Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku guulaystay gool dhalinta horyaalka Germany kadib markii uu abaal marintan ku garaacay xidiga xulka qaranka Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo aan wax goolal ah dhalin kulankii ay Bayern Munich 4:1 ugu xasuuqday kooxda Freiburg.

Aubameyang ayaa kulankii ugu danbeeyay ee Bundesliga isaga oo lahaa 29 gool waxaana gool dhalinta horyaalka Germany 30 gool ku hogaaminayay Robert Lewandowski laakiin xidiga ree Gabon ayaa laba gool ka dhaliyay kulankii ay Dortmund ay la ciyaartay kooxda Werder Bremen.

Sidaa daraadeed  Pierre-Emerick Aubameyang  ayaa xili ciyaareedkan 2016/17 ku dhamaystay in uu yahay xidiga goolasha ugu badan oo 31 gool ah ka soo dhaliyay horyaalka Germany isaga oo si cajiib ah abaal marintan ugu garacay Robert Lewandowski oo la filayay in uu xidiga ugu goolasha badna noqonayo.

Barta rasmiga ah ee maamulka horyaalka Germany ee Bundesliga-hu ku leeyahay twitterka ayaa la soo dhigay miiska kala saraynta gool dhalinta horyaalkan kadib markii la soo xidhay xili ciyaareedkan ee ay dhamaan kulamadu soo idlaadeen.

Pierre-Emerick Aubameyang  ayaa la filayaa in uu ciyaaray kulankiisii ugu danbeeyay ee kooxdiisa Borussia Dortmund iyo waliba horyaalka Germany iyada oo laga doonayo horyaalada Spain iyo England isla markanaa uu intii xili ciyaareedkan lagu jiray sheegay suurtogalnimada uu Dortmund kaga baxayaa in ay tahay mid wayn.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments