RASMI: Pep Guardiola Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Macalinka Bisha September Ee Horyaalka Premier League & Shaqsiyaadka Uu Ku Garaacay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Oct 13, 2017

Tababare Pep Guardiola ayaa loo doortay macalinkii ugu fiicnaa bisha September Premier League kadib markii uu rikoor guulo ah u hogaamiyay kooxdiisa bishii lasoo dhaafay, waxeyna gaareen dhawr guulood oo muhiim ah.

Citizens waxey bishii lasoo dhaafay guulo ka heleen Liverpool, Watford, Crystal Palace & Chelsea – taasoo ka dhigan iney 17-gool dhaliyeen iyagoon wax gool ah laga dhalin.

Guulahaas ay gaareen waxey ka saaciday iney hogaanka horyaalka ku hayaan farqi goolal ka sareeya dhigooda Manchester United.

Macalinkaan reer Spain ayaa helay codadka ugu badan isagoo abaalmarintaan ku garaacay labada macalin ee aadka ula xifaaltama Arsene Wenger & Jose Mourinho, sidoo kale musharaxiinta waxaa ka mid ahaa Mauricio Pochettino.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments