Rasmi: Mohamed Salah Oo La Xaqiijiyey In Uu Dheeli Doono Kulanka Furitaanka Ee Egypt

Mohamed Salah wuu ka soo muuqan doonaa kulanka ay Egypt koobka aduunka ku furan doonto ee Uruguay.

25 jirka waxa uu dhaawac ka soo gaadhay garabka fiinaalihii Champions League ee ay Liverpool guuldaradda 3-1 ah kala kulantay Real Madrid.

Taasi waxa ay abuurtay cabsi ahayd in Salah oo 44 gool dhammaan tartamada ol’olihii hore dhaliyey seegi karo koobka aduunka.

Hase ahaatee, waxa uu sameeyey soo kabasho qeyrul-caadi ah, sida uu filayo Hector Cuper waxa uu ka soo muuqan doonaa ciyaarta ugu horreeysa ee Egypt la leeyihiin Uruguay.

“Waxaan 100% dhihi karaa wuu ciyaari doonaa, wax walba oo cabsi keeni kara daqiiiqadda ugu dambeeysa wuu ka caafimaad ka qabaa, ayuu Cuper yiri.

“Waxaan isku dayeynaa in aan kalsooni dareensiino.

“Diktoorada waxa ay siiyeen xulasha ah in uu dheeli ama dheelin. Si wacan ayaan u aqaan Salah, ma aha mic cabsada.

“Waan wada ognahay in aan halis ku jirno marka aan kulan ciyaareyno, taasi waa wax aynaan indhaha ka qabsan karin.

“Laakiin haddii uu go’aansado in uu dheelo waxa uu qabaa damaanad buuxda oo ku saabsan taam ahaanshaha jirkiisa waana hubaa taas.

“Haddii uusan ka soo muuqan waxaa jira qodob yimi daqiiqaddii ugu dambeeysay waana tixgalin doonnaa si aan u fiirinno in la xallin karo.”