RASMI: Mohamed Salah Oo Ku Guulaystay Xidiga Sanadka Ee Qaarada Afrika Ugu Fiican Ee Ay BBC-du Bixiso Isaga Oo Bandhigiisa Layaabka Leh Ugu Garaacay Xidigihii La Sharaxnaa.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Dec 11, 2017

Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay abaal xidiga kubbada cagta ee sanadka ee qaaraada Afrika ugu fiican kadib markii ay xidigihii la sharaxnaa ku garaacay abaal marintan. Abaal  marinta BBC African Footballer of the Year 2017 ayaa hadda lagu dhawaaqay waxaana si rasmi ah ugu guulaystay Mohamed Salah kaas oo maray dariiqii halyayadii qaarada Afrika ugu fiicnaa.

Mohamed Salah ayaa farqad wayn ka muujiyay in uu abaal marinta xidiga sanadka ee qaaraada Afrika ugu fiican uu ku guulaysto. Mohamed Salah ayaa abaal marintan ku garaacay xidiga ay isku kooxda Liverpool yihiin ee Sadio Mane oo ahaa xidiga ay ugu danbayn kala baxeen iyada oo Naby Keita uu noqday xidigii ugu horeeyay ee tartanka lagu reebay.

Victor Moses ayaa isna noqday xidigii labaad ee tartankan lagu reebay waxayna mar saddexda xidig ee isku soo hadhay ahaayeen Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Pierre-Emerick Aubameyang laakiin Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa markale tartanka xidigo iskugu soo baxay waxaana guulaystay Mohamed Salah.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xidiga kooxdiisa ee Mohamed Salah gudoonsiiyay abaal maritnan wuxuuna yidhi: ” Hambalyo saaxiibkayow si fiican ayaad ugu qalantaa. haddii daacad la noqdo,  waa abaal marin fantastik u ah ciyaartoyo aad ugu fiican”.

Mohamed Salah ayaa la waydiiyay waxa ay dareenkiisa ugu dhigan tahay in uu abaal marinta ku guulaystay wuxuuna ku jawaabay: “Aad ayaan ugu faraxsanahay abaal marintan, dareen khaas ah ayay aniga ii leedahay. Waxaan sidoo kale jecelahay in aan sanadka soo socda aan ku guulaysto”.

Mohamed Salah ayaa la waydiiyay dareenka ay abaal marintani u samaynayso in uu ku biiray magacyada Okacha, Kanu, Weah oo ka mid ah halyayadii Afrika ee abaal marintan ku soo guulaystay wuxuna Salah yidhi: “Anigu aad ayaan ugu faraxsanahay inaan noqdo iyaga oo kale oo aan abaal marintan ku guulaystay. Markasta waa wax khaas ah marka aad wax ku guulaysato. Waxaad dareemaysaa in aad xili ciyaareed fiican iyo sanad fiican soo samaysay”.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkan ah xidiga goolasha ugu bada ka soo dhaliyay horyaalka Premier Leaque isaga oo 13 gool ku hogaaminaya wuxuuna haddaba dhaafay goolashii uu guud ahaan xili ciyaareedkii hore u soo dhaliyay kooxdiisii hore ee AS Roma.

Halkan ka daawo muuqalka Mohamed Salah markii la gudoonsiiyay abaal marinta xidiga Afrika ugu fiican iyo qaabkii uu uga dareen celiyay:

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. dayib hassen 12-12-2017 at 5:46 am -

    runtii waa ciyaryahan wayn salah wuna uqalma abalmarintan

  2. Ali Nor 11-12-2017 at 11:06 pm -

    Mohamed Salah waa uqalmaa runtii,waxaan rajayn inuu ku guulaysto,ciyaaryahanka aduunka ugu fiican.
    Waa laacipka hdda ugu wcn ee liverpool