RASMI: Manchester United Oo Ku Dhawaaqday In Timothy Fosu-Mensah Uu Kooxdeeda U Saxiixay Heshiis Cusub Oo Waqti Dheer Ah

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Oct 19, 2016

Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in da’yarka kooxdeeda ee Timothy Fosu-Mensah uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo Old Traffrod ku sii hayn doona ilaa sanadka 2020. Timothy Fosu-Mensah oo Man United ku soo biiray sanadkii 2014 kii ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxdiisa Red Devils.

War rasmi ah oo ka soo baxay Man United ayaa lagu yidhi: “Timothy Fosu-Mensah waxa uu Manchester United u saxiixay heshiis cusub kaas oo kooxda ku sii hayn doona ilaa June 2020 isaga oo doorasho u haysta in uu sanad kale  ku kordhisan karo”.

Timothy Fosu-Mensah oo 18 sano jir ah ayaa h--e uga soo ciyaaray kooxda Man United U21 ka hor intii aanu Louis Van Gaal ku soo darin kooxda kowaad isaga oo xili ciyaareedkii h--e kulankii Arsenal waayihiisa Premier Leaque-ga ku bilawday. Timothy Fosu-Mensah ayaa 12 kulan ka soo muuqday kooxda kowaad ee Red Devils isaga oo waliba soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican.timothy-fosu-mensah

Markii uu saxiixay heshiiska cusub Timothy Fosu-Mensah ayaa dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan ku faraxsanahay in aan heshiis cusub halkan ugu saxiixay Manchester United.Anigu waxaan ku soo raaxaystay daqiiqad kasta tan iyo markii aan kooxdan wayn ku soo biiray waxaanan doonayaa in aan sii wato horumarka aan dareensanahay in aan ilaa hadda gaadhay”.

Like it? Share it!

Leave A Response