RASMI: Maamulka Horyaalka Premier League Oo Ku Dhawaaqay Tababaraha Ku Guuleystay Abaalmarintii Tababarihii Ugu Fiicnaa Bishii September.

Maamulka horyaalka Premier League ee Barclays ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay tababaraha ku guuleystay macalinkii ugu fiicnaa guud ahaan horyaalka ee bishii hore ee September.

Liiska tababarayasha tartamayay ayaa ahaa mid uu tartan xoogani ka dhex muuqday sababtoo ah waxa kusoo wada baxay Unai Emery oo Arsenal hoggaamiya, Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola oo Manchester City ka masuul ah balse waxa saddexdaas tababareba ka yaabsada Nuno Espirito Santo oo Wolves horkaca.

 

Nuno Espirito Santo ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday macalinkii ugu wacnaa PL ee bishii hore sababtoo ah inuu guulo kasoo gaadhay kooxaha West Ham United, Burnley iyo Southampton halka uu Manchester United bareejo kula soo galay Old Trafford.

Sababata ugu weyn ee ay maamulka Premier League Mr Santo abaalmarintan u siiyeen ayaa ah inuu joogtayn ku sameeyay koox heerka labaad kasoo dalacday isla markaana uu ku garaacay Unai Emery iyo Pep Guardiola oo guulo 100% ah haystay.

Dhinaca kale tababarahan ayaa rekoodh cajiib ah ka sameeyay gudaha horyaalka kaddib markii uu noqday tababarihii ugu horreeyay ee siddeeda kulan ee ugu horreeya kusoo bilaaba shaxdiisa 11 xiddig oo isku mid ah.

newest oldest most voted
Abdifatah Habin
Guest
Abdifatah Habin

waa uu uqalmaa nuno sababtoo mcalimiinta kale wxa ay haystaan koox awwod badan leh lknse waan dareemi karnaa koox hada kucusub horyaalka in lamaamulaa waa adagtay waana sababta aan utaageersanahay nuno

Mohamed amin Ahmed
Guest

Aniga ahan abaalmarintan waxa u qalmay unia emery maxaa yeelay
6 game xiriir ah buu badiyay

Abdifatah
Guest
Abdifatah

wad ku mahadsantihin lacibnet mida kale wan ku racsanahay awalmarinta lasiyey macalinka wolve