RASMI: Luka Modric Oo Heshiiska U Kordhiyay Kooxdiisa Real Madrid Iyo Kubad Sameeyaha Croatia Oo Raacay Wadadii Saaxiibkiisa Toni Kroos

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Oct 18, 2016

Olahaha heshiis kordhinta ay Real Madrid waday ayaa gaaray heer sare kadib markii kooxdaasi maanta ku dhawaaqday iney heshiiska u kordhiyeen kubad sameeyahooda Luka Modric.

Xidigii h--e ee Tottenham Hotspurs ayaa qalinka ki duugay heshiis Bernabue ku sii heynaya ilaa sanada 2020 markaasoo uu 34 sano jirsan doono.

War rasmi ah oo kooxda kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyay ” Ciyaariyahan Luka Modric wuxuu ogolaaday inuu qandaraas cusub oo ku eg sanada 2020 u saxiixo kooxda, madaxwenaha kooxda iyo xidiga ayaa berito hor fariisan doono saxaafada si loo sharciyeeyo wax waliba” .

Modric ayaa in ka badan 180 kulan u saftay kooxdiisa Wuxuuna mudadas u dhaliyay 11 gool.

 

Like it? Share it!

Leave A Response