RASMI: Liiska Xulka Qaranka Spain Ee La Ciyaaraya Colombia Iyo Macedonia Oo Lasoo Saaray & Xidigo Premier League Ka Ciyaara Oo Laga Tagay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, May 19, 2017

Tababare Julen Lopetegui ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Spain ee bisha June wajahaya qaramada Colombia iyo Macedonia.

Da’yarka Real Madrid Marco Asensio, xidiga amaahda ku jooga Milan ee Gerard Deulofeu iyo Isco Alcaron ayaa kasoo muuqday xulka qaranka Spain.

Deulofeu ayaa muteystay in markii labaad loo yeero kadib markii uu wacdaro dhigay kulankii ay 2-0 kaga adkaadeen faransiiska bishii Maarso markaas oo uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay xulka La Roja.

Marco Asensio oo 21-jir ah ayaa liiska ku jira kaas oo markii u horeysay xulka qaranka looga yeeray bishii May ee sanadkii hore markaas oo ay kulan saaxiibtinimo la yeesheen Bosnia, balse tan iyo markaas looma wicin.

Laba xidig ayaa si layaab leh liiska loogu arkay waana xidiga khadka dhexe Real Sociedad Asier Illarramendi iyo goolhayaha Bilbao Kepa. Juan Manuel Mata oo dhaawac gumaarka ah kasoo kabtay ayaan kasoo muuqan liiska qaranka si la mid ah looma wicin Andre Herrera & Cesc Fabregas.

Spain waxey 7-da June kulan saaxiibtinimo la ciyaarayaan Colombia waxeyna afar maalmood kadib waqtigaas la ciyaarayaan xulka Macedonia waana kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka.

Dhamaan ciyaartoyda Madrid ee xulka ku jira sida: Carvajal, Asensio, Ramos, Morata iyo Nacho ayaa seegi doona kulanka saaxiibtinimo ee Colombia madaama ay 3-da June ciyaarayaan final-ka Champions League.

LIISKA QARANKA SPAIN OO DHAMEYSIRAN:

Goolhayeyaasha: 

David de Gea (Manchester United), Kepa (Athletic Bilbao), Pepe Reina (Napoli)

Daafacyada: 

Jordi Alba (Barcelona), Cesar Azpilicueta (Chelsea), Dani Carvajal (Real Madrid), Nacho (Real Madrid), Nacho Monreal (Arsenal), Gerard Pique (Barcelona), Sergio Ramos (Real Madrid), Sergi Roberto (Barcelona)

Khadka Dhexe:

Thiago Alcantara (Bayern Munich), Marco Asensio (Real Madrid), Sergio Busquets (Barcelona), Asier Illarramendi (Real Sociedad), Andres Iniesta (Barcelona), Isco (Real Madrid), Koke (Atletico Madrid),  Pedro (Chelsea), David Silva (Manchester City), Vitolo (Sevilla)

Weerarka:

Iago Aspas (Celta Vigo), Diego Costa (Chelsea), Gerard Deulofeu (AC Milan, on loan from Everton), Alvaro Morata (Real Madrid)

 

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments