RASMI: Liiska Hordhaca Ah Ee Ciyaartoyda Xulka Croatia Uga Qeyb Galaya Koobka Aduunka Oo Lagu Dhawaaqay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, May 14, 2018

Tababaraha xulka Croatia Zlatko Dalic ayaa magacaabay liis ka kooban 32-ciyaartoy oo si hordhac ah loogu soo xulay koobka Aduunka, walow isbuuca ugu horeeya bisha JUne laga doonayo iney gudbiyaan liiska rasmiga ah ee ka kooban 23-ciyaartoy kaliya.

Kaliya 9-ciyaartoy ayaa laga diri doonaa xerada tababarka xulka qaranka, wax layaab ah kuma soo kordhin qaranka maadaama la wacay dhamaan ciyaartoydii waaweyneed ee ugu muhiimsaneed.

Kabtan Luka Modric iyo saaxiibkiisa Matteo Kovacic ayaa laga wacay kooxda Real Madrid, halka Inter Milan laga wacay Marcelo Brozovic iyo Ivan Perisic, sidoo kale Dejan Lovren oo ka tirsan Liverpool iyo Mario Mandzukic oo ka tirsan Juventus ayaa ku jira liiska ciyaartoyda lasoo xulay.

LIISKA OO DHAMEYTIRAN:

Goolhayeyaasha: Danijel Subašić (Monaco), Lovre Kalinić (Gent), Dominik Livaković (Dinamo), Karlo Letica (Hajduk)

Daafacyada: Vedran Ćorluka (Lokomotiv), Domagoj Vida (Bešiktaš), Ivan Strinić (Sampdoria), Dejan Lovren (Liverpool), Šime Vrsaljko (Atletico Madrid), Josip Pivarić (Dynamo Kijev), Tin Jedvaj (Bayer Leverkusen), Matej Mitrović (Club Brugge), Borna Barišić (Osijek), Zoran Nižić (Hajduk), Duje Ćaleta-Car (Red Bull Salzburg), Borna Sosa (Dinamo)

Khadka Dhexe: Luka Modrić (Real Madrid), Ivan Rakitić (Barcelona), Mateo Kovačić (Real Madrid), Milan Badelj (Fiorentina), Marcelo Brozović (Inter), Marko Rog (Napoli), Mario Pašalić (Spartak), Filip Bradarić (Rijeka)

Weerarka: Mario Mandžukić (Juventus), Ivan Perišić (Inter), Nikola Kalinić (Milan), Andrej Kramarić (Hoffenheim), Marko Pjaca (Schalke), Ante Rebić (Eintracht), Duje Čop (Standard Liege), Ivan Santini (Caen)

127 Shares