RASMI: Liiska Ciyaartoyda Xulka Chile Ee Ka Qeyb Galaya Koobka Confederation Cup Oo Lasoo Saaray Miyey Ku Jiraan Sanchez & Vidal?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Tababare Juan Antonio Pizzi ayaa magacaabay liiska ciyaartoyda xulkiisa Chile kaga qeyb galeysa koobka Confederation Cup ee bisha soo aadan ka dhici doona wadanka Russia, waxaana xidigahiisa hogaaminaya Arturo Vidal iyo Alexis Sanchez.

Macalinka xulka qaranka Jarmalka ayaa go’aansaday inuu nasiyo dhamaan ciyaartoydiisa waaweyn isla markaaana uu tartankaan ciyaarsiiyo da’yar, balse Pizzi wuxuu doortay shax adag oo aan la loodin karin.

Arsene Wenger ayaan jecleysan go’aanka Sanchez loogu yeeray madama sadexdii sano ee lasoo dhaafay xidiga reer Chile uusan nasan wuxuuna ka qeyb galay koobka Aduunka 2014, Coppa America 2015 iyo mar kale Copa America 2016, balse 28-jirkaan xulka ayaa lagu daray.

Si kastaba Chile waxey ku jiraan groupka B oo ay kala soo muuqdeen Germany, Cameroon iyo Australia.

Dhanka kalana Claudio Bravo oo dhaawac kaga maqan kooxdiisa ayaa loo yeeray iyadoon la ogeyn sida uu xidigaan taam buuxa ugu noqon karo ciyaaraha ka dhici doona Russia.

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Charles Aranguiz (Bayer Leverkusen), Claudio Bravo (Manchester City), Nicolas Castillo (Pumas UNAM), Marcelo Diaz (Celta Vigo), Paulo Diaz (San Lorenzo), Felipe Gutierrez (Internacional), Pedro Pablo Hernandez (Celta Vigo), Mauricio Isla (Cagliari), Gary Medel (Inter), Eugenio Mena (Sport Recife), Edson Punch (Necaxa), Enzo Roco (Cruz Azul), Martin Rodriguez (Cruz Azul), Alexis Sanchez (Arsenal), Francisco Silva (Cruz Azul), Eduardo Vargas (Tigres UANL), Arturo Vidal (Bayern).

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments