RASMI: Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Wajahi Doona Malaga Oo Lasoo Saaray Xilli Bale & Carvajal Lagu Soo Daray.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Real Madrid ayaa heysata fursad ay ku hanato horyaalka La Liga waxeyna u baahan tahay kaliya hal dhibic si ay koobkeedii 33-aad ee La Liga kor ugu qaado sidoo kalana ay soo afjarto abaar shan sano ah oo ka heysay ku guuleysiga koobkaas.

Zinedine Zidane ayaa magacaabay liis ka kooban 25-xidig kuwaas oo dhamaantood u safri doona La Rosaleda si ay u arkaan kooxdooda oo guuleysaneysa ama guuldareysaneysa, waxaana intaas sii dheer in xidigo dhaawac ah lagu daray liiska sida: Gareth Bale iyo Dani Carvajal.

Gareth Bale waxaaba shaki la galinayaa inuu taam buuxa u noqon waayo final-ka si la mid ah Carvajal balse magacaabistaan waxey ka dhigan tahay in Madrid ay dooneyso in wiilashaan ay qeyb ka noqdaan safka ku guuleysta horyaalka.

Sidoo kale Pepe iyo James Rodriguez ayaan la ogeyn sida ay uga qeyb gali karaan kulanka Malaga inkastoo ay seegeen ciyaartii Celta Vigo.

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Goolhayeyaasha: Navas, Casilla and Yáñez.

Daafacyada: Varane, Ramos, Nacho, Coentrão, Carvajal, Danilo, Pepe and Marcelo.

Khadka Dhexe: Kroos, James, Casemiro, Kovacic, Modric, Asensio, Enzo and Isco.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Benzema, Lucas Vázquez, Bale, Morata and

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments