RASMI: Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Caawa Wajahaya Apoel Nicosia Oo Lasoo Saaray & Xidigo Muhiim Ah Oo Maqan.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Sep 13, 2017

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday liiska ciyaartoyda u matali doonta kulanka caawa ee furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee Champions League, iyagoo kusoo dhaweyn doona garoonka Santiago Bernabeu kooxda reer Cyprus ee Apeol Nicosia.

Tababare Zinedine Zidane ayaa soo doortay 19-xidig oo taam buuxa u ah kulankaan kana qeyb qaadan kara bilaabashada hankooda difaacashada koobkaan, waxaana laga waayay wiilka yar ee Marco Asensio kaas oo lagu tiriyo xidigaha ugu miisaanka culus ee kooxda.

Marco Asensio xaadir ma aheyn tababarkii ugu dambeeyay mana la cadeyn sababta rasmiga ah ee seejisay ciyaartaan, sidoo kalana waxaa kulankaan ka maqan Karim Benzema kaas oo dhaawac dhanka muruqa ah looga saaray ciyaartii Levante ee sabtidii dhacday.

Zidane wuxuu liiskiisa dib ugu soo celiyay Luka Modric iyo Keylor Navas oo la nasiyay kulankii horyaalka ee sabtidii sidoo kale waxaa dib ugu soo laabtay kooxda Varane oo jug yar ku seegay kulankii barbaraha ee Levante.

LIISKA REAL MADRID OO DHAMEYSTIRAN:

Goolhayeyaasha:

Navas, Casilla and Luca.

Daafacyada:

Carvajal, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo and Theo.

Khadka Dhexe:

Kroos, Modric, Casemiro, Isco, Kovacic and Ceballos.

Weeraryahanada:

Cristiano Ronaldo, Bale, Lucas Vazquez and Mayoral.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments