RASMI: Kulankii Somalia & South Sudan Ee Isreeb-reebka Chan 2018 Oo Baaqday & Waqtiga La Ciyaari Doono.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Apr 21, 2017

Xulka Qaranka Somlia ayaa arbacadii ka ambabaxay dalka iyagoo gaaray Jabuuti halkaas oo ay maanta kula balansanaayeen dhigooda qaranka Koonfurta Sudan kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Chan 2018 oo labadii sanaba mar la qabto.

Tartankaan waa mid u furan badi xulalka qaaradda Afrika, balse isreeb-reeb kadib kaliya 16-wadan ayaa ka qeyb gali doona iyadoo lagu qaban doono sanadka soo aadan Kenya.

Ocean Stars kulankoodii maanta wuu baaqday, waxaase la ciyaari doonaa berito [Sabti] iyadoo ciyaarta ay geeska afrika ka bilaaban doonto 4:00 Galabnimo.

Somalia waxey minan u isticmaaleysaa Jabuuti oo ay mar walba u isticmaali jirtay tan iyo burburka inkastoo haatan loo fasaxay iney martigalin karto kulan caalami ah 30-sano kadib.

Si kastaba lugta labaad ee kulanka waxaa la ciyaari doonaa 30-ka April, wuxuuna kulankaas ka dhici doonaa magaalada Jubba ee xarunta wadanka South Sudan.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments