RASMI: Kooxda Marseille Oo Wada Xaajoodyo La Furtay Laurent Koscielny Iyo Dane Si Ay Safka Kooxdeeda Ugu Soo Xoojiso.

by Mohamoud Batalaale | Saturday, May 20, 2017

Kooxda horyaalka France ee Marseille ayaa wada xaajoodyo  difaaca kooxda Arsenal ee Laurent Koscielny iyo xidiga kooxda Nice ee Dante waxayna doonaysaa in ay safka kooxdeeda ku soo xoojiso marka uu dhawaan dib u furmo suuqa xagaagu.

Sida uu ku waramay Canal Plus kooxda Marseille ayaa doonaysa in ay Laurent Koscielny kala soo wareegto Arsenal si ay dib ugu soo celiso horyaalka France ee Ligue 1 oo uu ka soo wareegay sanadkii 2010 kii isaga oo ka tirsanaa kooxda Lorient.

Laakiin heshiiska Laurent Koscielny ee Arsenal ayaa dhacaya sanadka 2020 laakiin tababaraha kooxda Marseille ee Rudi Garcia ayaa doonaya sidii uu Laurent Koscielny kaga soo saari lahaa Emirates Stadium wuxuuna xidiga ree France ee Laurent Koscielny uu horeba albaabka ugu furay in uu dib ugu laaban doono horyaalka dalkiisa.

Laurent Koscielny ayaa xili ciyaareedkan kooxdiisa Arsenal u saftay 32 kulan wuxuuna soo dhaliyay 2 gool halka uu garoonka Gunners kala baxay 10 kulan oo aan wax gool ah laga dhalin. Laurent Koscielny ayaa sameeyay 48 taakal wuxuuna sidoo kale sameeyay 200 kubbadood oo uu halistooda ka saaray kooxdiisa.Lama oga haddii ay Arsenal iyo Marseille ka heshiin doonaan wada xaajoodka u furmay.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments