RASMI: Ka Hor Finalka Spanish Super Cupka, Gerard Pique Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay In Uu Ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah Ee Xulkiisa Spain.

Difaaca dhexe ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Gerard Pique ayaa ugu danbayn si rasmi ah u shaaciyay in uu ka fadhiistay waajibaadkii xulka Spain ee uu waqtiga dheer ka soo ciyaarayay. Gerard Pique ayaa xulka qaranka Spain ku soo maray waqtiyo kala duwan laakiin waxa uu kula soo guulaystay koob kasta oo uu xul qaran ee Yurub ahi ku guulaysan karay.

Intii aanu koobka aduunku ka furmin Russia waxaa la sii ogaa in Gerard Pique uu ciyaaraha caalamiga ah ka fadhiisanayo marka uu tartankaasi dhamaado laakiin waxaa la sugayay maalinta uu Pique saxaafada soo horfadhiisanayo ee uu go’aankiisii hore ee uu sii shaaciyay dhamaystirayo.

Gerard Pique oo saxaafada ka soo hormuuqday ka hor finalka Spanish Super Cupka ay kooxdiisa Barca la ciyaari doonto Sevilla ayuu go’aankiisa kama danbaysta ah ku dhawaaqay taas oo soo gaba gabaysay waayihiisii xulka qaranka Spain.

Gerard Pique oo ka hadlaya in go’aankiisa uu u sheegay macalinka cusub ee xulka qaranka Spain ee Luis Enrique oo telefoon ka soo wacay ayaa yidhi: ” Dhawr maalmood ka hor waxaan la hadlay Luis Enrique, wuu isoo wacay isla markaana waxaan u sheegay in waqti hore aan go’aankayga gaadhay”.

Pique ayaa farxad ka muujiyay waayihii ciyaareed ee uu ku soo qaatay xulka qarankiisa Spain wuxuuna isaga oo arintan ka hadlaya uu yidhi: ” Anigu waxaan ku faraxsanahay sidii uu u dhacay waayahaygii ciyaareed ee caalamiga ahaa, laakiin hadda waxaan doonayaa in aan diirada saaro Barcelona”.

Dhinaca kale Pique ayaa wax laga waydiiyay muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR oo xili ciyaareedka cusub laga adeegsan doono La Liga wuxuuna yidhi: “Waxa uu sportska ka dhigi dhigi doonaa mid in ka badan cadaalad ah, waan u soo ololeeyay waqti dheer ka hor, laakiin wali muran ayaa jira. Waxaynu nahay wadan muranka jecel, laakiin way muuq beeli doontaa waxaana garsoorka caawin doona Technology-ga”.