Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka – Wararka Ciyaaraha Ee Ugu Danbeeyay.

RASMI: Jurgen Klopp Oo Soo Saaray Liiska 25ka Ciyaartoy Ee Uu Kala Hortagayo FC Porto Iyo Reds Oo Haddaba Portugal U Duushay.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Feb 13, 2018

Tababarhaa kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa magacaabay liiska 25ka ciyaratoy ee kooxdiisa uga qayb galaya kulanka lugta hore ee UEFA Champions league ee ay booqanayaan kooxda FC Porto. Liverpool ayaa haddaba u safartay dalka Portugal iyada oo isku sii diyaarin doonta kulanka muhiimka ah ee ay FC Porto la soo ciyaari doonaan habeen danbe.

Liverpool ayaa kulanka FC Porto kadib la ciyaari doonta West Ham United ka hor inta ayna kulanka lugta labaad ee wareega 16ka kooxood Anfield ku soo dhawayn Porto waxaana kulanka lugta labaad la ciyaari doonaa Febuary 24 markaas oo ay labada kooxood si rasmi ah u kala calaf qaadi doonaan.

Emre Can ayaa liiskan ku soo baxay inkasta oo uu hal kulan ganaax ku maqnaanayo waxaana liiskan ku soo baxay Joe Gomez oo labadii kulan ee Champions League ugu danbeeyay dhaawac ku seegay ayaa liiskan ku soo baxay.

Klopp ayaa kulankan haysta ciyaartoyda kooxdiisa ugu muhiimsan oo taam buuxa ah wuxuuna soo xulan karaa shaxda ugu fiican ee uu doonayo. Clyne oo aan hal daqiiqo xili ciyaareedkan u safan Liverpool ayaa markii ugu horaysay liiskan ku soo baxay wuxuuna la safray kooxda inteeda kale.

Liiska Ciyaartoyda Liverpool Ee Portugal U Safray: Karius, Mignolet, Ward, Grabara, Clyne, Van Dijk, Lovren, Gomez, Klavan, Moreno, Robertson, Matip, Alexander-Arnold, Wijnaldum, Milner, Henderson, Lallana, Oxlade-Chamberlain, Can, Woodburn, Firmino, Salah, Mane, Ings, Solanke.

7 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. yarisow king 14-02-2018 at 11:52 am -

    Anigo ah mohamed abdulkadir ku mgc dheer yarisow kuna nool mozampique insha alah cwd liverpool wey badin doonta waxeyna ku badin donta insha alaah 3-2

  2. xasan biime 14-02-2018 at 1:29 am -

    guul guul guul baan u rajaynayaa liverpool

  3. Said abdi 13-02-2018 at 10:03 pm -

    ifo Dadaab kenya

  4. Ali afrah 13-02-2018 at 9:48 pm -

    WAXAAN KOOXDA URAJEYNAYA GUUL MUHIIMA VIVA LIVERPOOL

  5. Apdulrahman 13-02-2018 at 9:38 pm -

    saasa loo galinaya

  6. Steven G 13-02-2018 at 9:27 pm -

    Liverpool guul ayan urajayna insha allah

  7. Hussein 13-02-2018 at 9:09 pm -

    Guul aan u rajaynayaa liverpool fc insha allah we will win