RASMI: Isku Aadka Wareega Afar Dhamaadka League Cup Oo La Soo Saaray: Liverpool & Man United Oo Isku Arki Kara Finalka.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 1, 2016

Kooxaha Liverpool, Manchester United, Southampton iyo Hull City ayaa dhamaan u soo baxay wareega afar dhamaadka leaque Cupka waxayna dhamaan yihiin kooxo ka ciyaara horyaalka Premier Leaque-ga. Kooxaha Arsenal, Leeds United, Newcastle United iyo  West Ham United ayaa sideed dhamaadka ku soo hadhay iyaga oo dhibane u noqday kooxaha soo baxay.

Haddaba waxaa la soo saaray isku aadka kulamada afar dhamaadka Leaque Cupka waxaana kulanka ugu xiisaha badan wada ciyaari doona kooxaha kooxaha Liverpool iyo Southampton halka Manchester United ay Old Traffrod markale nadiib u yeelatay in ay ku soo dhawayso kooxda Hull City.

Laakiin Liverpool ayaa booqan doonta kooxda Southampton oo Emirates Stadium caawa ku soo dubatay Arsenal waana kulan imtixaan adag ku noqon doona Klopp iyo kooxdiisa Reds. Laakiin kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa ku faraxsan in ay ugu yaraan ku kala badbaadeen afar dhamaadka tartankan.Liverpool ayaa ku danbayn doona Anfield iyada oo kulanka lugta labaad gurigeeda ku ciyaari doonta.

efl-cup

Sidii caadada ahayd waxaa la ciyaari doonaa kulamo laba lugoodle ah waxaana kulamada lugta h--e la ciyaari doonaa todobaadka ka bilaami doona 9ka bisha Janaayo 2017 halka kulamada lugta labaad la ciyaari doono todobaadka ka bilaami doona 23ka bisha Janaayo 2017.

HALKAN KAGA BOGO ISKU AADKA OO DHAN:

Southampton v Liverpool

Manchester United v Hull City

Like it? Share it!

3 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. liverpool 01-12-2016 at 3:20 pm - Reply

    waxaan rajeynayaa iney liverpool timaado finalka

  2. Isaga 01-12-2016 at 2:20 am - Reply

    EFL cup carling cup miyaa mise waa koob kale

  3. abdisamed 01-12-2016 at 1:20 am - Reply

    taariiqda iyi waqtiga sxp noo sheeg

Leave A Response