RASMI: Henrikh Mkhitaryan Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Goolkii Ugu Fiicnaa Xilli Ciyaareedka Ee Man United – Waa Goolkee?

by Saed Balaleti | Thursday, May 18, 2017

Henrikh Mkhitrayan ayaa ku guuleystay abaalmarinta goolkii ugu fiicnaa xilli ciyaareedka ee kooxda Manchester United iyadoo uu abaalmarinta gudoonsiiyay weeraryahankii hore ee Red Devils Andy Cole.

Xiddiga reer Armenia Henrikh Mkhitaryan ayaa abaalmarinta lagu siiyay goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay Sunderland maalintii Boxing Day, waana goolkii dibqalooca oo muuqaalka hoose aad ka daawan karto.

“Haddii aan daacad u hadlo aniga xitaa waan la dhacay goolka. Ma qiyaasi karin inaan dhalinayo goolkaan ceynkaan oo kale ah. Xaqiiqdii ma aanan ogeyn wixii dhacayay.”ayuu yiri Mkhitaryan markii uu aqbalayay abaalmarinta oo uu gudoonsiiyay weeraryahankii hore ee Man United Andy Cole.

“Uma maleynayo inaad u baahan tahay inaad leylin ku sameyso goolasha ceynkaan oo kale ah, waa inaad kaliya go’aan degdeg qaadato.

“Ma aanan seegi karin fursadaan sababtoo ah waxaan gool weyn ka helay Ilaah”

Xaflada ayaa weli socota iyadoo abaalmarinta xiddiga da’ yarta ee Man United uu ku guuleystay Angel Gomes. Xiddigaan oo dhashay sannadii 2000 ayaa ka ciyaara khadka dhexe waxaana uu ku jiraa kooxda da’dooda ka hooseysa 18 sanno isagoo ka mid ah xiddigaha mustaqbalka weyn leh.

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments