RASMI: Harry Kane Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Xidiga Bisha September Ee Premier League & Xidigaha Uu Ku Garaacay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Oct 13, 2017

Weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa ku guuleystay abaalmarinta xidiga ugu fiican horyaalka Premier League bishii lasoo dhaafay ee September, gacantana ku dhigay abaalmarinta ay bixiso EA Sports.

24-jirka Spurs ka tirsan ayaa dhaliyay 6-gool, afar kulan oo uu kasoo muuqday kooxdiisa bisha September, waxeyna ka saaciday inuu markii shanaad ku guuleysto abaalmarinta lana heer noqday Wayne Rooney & Robin van Persie.

Kaliya Steven Gerrard ayaa ka badan oo lix jeer ku guuleystay ayaa ka badan weeraryahanka qaranak England kaas oo ku jira waqtigiisii ugu fiicnaa.

Harry Kane wuxuu helay codadka ugu badan ee baraha bulshada, khabiirada codkooda ka dhiibtay & kabtanada horyaalka Premier League, wuxuuna ka dhex qaaday Sergio Aguero, Kevin de Bruyne, Pascal Gross, Jamaal Lascelles, Alvaro Morata & Romelu Lukaku.