RASMI: Guddida Rafcaanka Xidhiidhka Kubbada Cagta Spain Oo Soo Diiday Rafcaan Ay Barcelona Ka Qaadatay Saddexdii Kulan Ee Neymar Lagu Ganaaxay Iyo Barca Oo Wali Haysata Qorshe Kale.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Apr 20, 2017

Guddida rafcaanka ee xidhiidhka kubbada cagta Spain ayaa soo diiday rafcaankii ay Barcelona ka qaadatay saddexdii kulan ee Neymar JR lagu ganaaxay kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii Malaga isla markaana uu sacabka u tumay caawiyaha garsooraha. Barcelona ayaa 10 maalmood u haysatay in ay rafacaanka ku qaadato waxayna doonaysay in marka ay guddida rafaacaku soo diiday ay sameeyaan qorshe kale oo ay ku doonayaan in Neymar uu ku ciyaari karo El Clasico-da.

Barcelona ayaa rafcaanka ay guddidan u qaadatay ku sheegtay in Neymar JR uu hal mar oo kaliya waayihiisa ciyaareed ee Barcelona uu khilaafay garsoorka isla markaana aanu waxba go’aankii casaanka lagu siiyay ku badali karin sacabkii uu caawiyaha u tumay. Barcelona ayaa doonaysay in meesha laga saaro labada kulan ee Neymar lagu ganaaxay ee dheeraadka ka ahaa kulankii Real Sociedad ee uu ganaaxii ku mutaystay kaadhkii casaa.

 

Waaxda sharciga Barcelona ayaa markii horeba sii ogayd in guddida rafcaanka xidhiidhka kubbada cagta Spain ayna aqbali doonin rafcaankooda waxayna sugeen ilaa maalintii ugu danbaysay ee loo ogolaa in ay rafcaankan qaataan, balse qorshaha Barcelona ayaa ah in kiiska Neymar ay geeyaan maxkamada sare ee ciyaaraha Dalka Spain ee magaceeda loo soo gaabiyo TAD taas oo barri oo jimce ah kulankooda yeelan doona.
Maxkamada ciyaaraha Spain ee TAD ayaa awood buuxda u leh haddii ay Neymar JR u ogolaan doonto in uu ciyaaro kulanka El Clasico-da haddii ay ku qancaan qorshaha ay Barcelona soo diyaarisay kaas oobarri la hordhigi doono shirka maxkamada TAD. Haddii maxkamadu aqbasho dooda Barcelona waxa uu Neymar ciyaari doonaa kulanka April 23 ee Bernabeu ka dhici doona, balse haddii ay TAD diido waxa uu mari doonaa saddexda kulan ee ganaaxa ah.