RASMI: FIFA Oo Magacowday Garsooraha Dhex Dhexaadin Doona Kulanka Finalka Koobka Aduunka Ee France Vs Croatia Iyo Xusuustii France Ee 2006 kii Oo Saamayn Yeelan Karta.

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay garsooraha dhex dhexaadin doono kulanka kubbada cagta ugu wayn ee finalka koobka aduunka oo ay axada isku haleeli doonaan xulalka qaramada France iyo Croatia. France ayaa finalka koobka aduunka soo gaadhay kadib markii ay guul ka soo gaadheen Belgium halka Croatia ay riyadii England ee koobka aduunka soo dhameeyeen.

France ayaa hore koobka aduunka ugu soo guulaystay sanadkii 1998 kii laakiin sanadkii 2006 kii oo ay sidan oo kale soo gaadheen finalka koobka aduunka ayay guuldaro kala kulmeen Italy halka Croatia ay markii ugu horaysay u soo baxeen finalka koobka aduunka.

Finalkii koobka aduunka ee 2006 kii waxaa dhex dhexaadiyay garsoorihii ree Argentina ee Hector Elizondo laakiin markale xulka France ayaa arki doona garsoore kale oo ree Argentina ah oo dhex dhexaadin doona kulanka ay Croatia la ciyaari doonaan maadama oo FIFA magacowday garsooraha ree Argentina ee Nestor Pitana.

Garsoore Nestor Pitana oo 43 sano jir ah ayaa ahaa garsoorihii koobka aduunka daah furay ee dhex dhexaadiyay kulankii Russia iyo Saudi Arabia ee koobka aduunka furitaanka u ahaa laakiin waxa uu sidoo kale soo qabtay kulankii ay France guusha ka soo gaadheen Uruguay ee siddeeed dhamaadkii koobka aduunka.

Balse garsoore Nestor Pitana ayaa sidoo kale aan ku cusbayn xulka Croatia wuxuuna soo hayay kulankii wareegii 16ka xul qaran ee koobka aduunka ee ay Croatia rekoodhayaasha ku reebeen Denmark.

Garsoore Nestor Pitana ayay la shaqayn doonaan Hernan Maidana iyo Juan Belatti oo calanwadayaasha noqon doona halka garsooraha afraad loo doortay Bjorn Kuipers.

Si kasta ha ahaatee, xusuusta ree France waxaa wali ka dhex guuxaysa kaadhkii casaa ee uu garsoorihii ree Argentina ee   Hector Elizondo uu siiyay Zinedine Zidane finalkii koobka aduunka ee ugu danbeeyay ee ay soo gaadheen 2006 kii laakiin markan waxay garsooraha ree Argentina ee Nestor Pitana ay ka rajaynayaan in ayna xusuus kale oo xumi dhex marin.