RASMI: FIFA Oo Ku Dhawaaqday In Furtay Baadhitaan Anshax Marin Ah Oo Ka Dhan Ah Juventus Ee Heshiiskii Uu Paul Pogba Ugu Laabtay Old Traffrod.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Jun 20, 2017

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay bilaabeen baadhitaano lagu wado kooxda Juventus ee hehsiiskii rekoodhka aduun ahaa ee ay xagaagii hore Paul Pogba kaga iibisay kooxdiisii hore ee Manchester United laakiin Red Devils oo qayb ahayd kiiskan ayaa magaceedu badbaaday.

Sir fashiliyaha Football Leaks ayaa hore u soo bandhigay faah faahinta heshiiskii uu Paul Pogba dib ugu laabtay Old Traffrod waxaana markaas soo baxday in wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola uu heshiiskan ka helay lacag 40 milyan oo euros gaadhaysa waxaana lagu eedeeyay in uu ahaa heshiis saddex dhinac ah.

Juventus ayaa kiiskan baadhitaan ee FIFA ku wajii karta ganaax ama xataa cuno qabtayn dhinaca suuqa ah laakiin Manchester United oo iyadana markii hore magaceeda lagu soo qaaday FIFA ayaa la sheegay in aan wax baadhitaan ah lagu samayn doonin.

Qoraal rasmi ah oo FIFA ka soo baxay oo kiiskan looga hadlay ayaa lagu yidhi: ” Waxaanu cadayn karnaa in baadhitaano anshax marin ah oo ka dhan ah kooxda kubbada cagta Juventus ay furmeen, intaa in ka badan kama faaloon karno maadaama oo uu baadhitaanku socdo” ayuu sheegay afhayeen FIFA u hadlay oo la hadlayay ESPN.

Afhayeenka FIFA oo Man United ka farxinaya ayaa yidhi: ” Waxaanu cadayn karnaa in aan anshaxmarin baadhitaan oo ka dhan ah Man United aan la furin”. Hadalkan ayaa farxad u ah Man United balse waxa uu culays wayn ku yahay Juventus.

Old Lady ayaa sanadkii 2012 kii Paul Pogba si xor ah kula wareegtay markii uu soo dhamaaay heshiiskiisii Man United laakiin xagaagii hore ayay markale Man United dib ugaga iibisay lacag rekoodh aduun ahayd oo 105 milyan oo euros ahayd iyo waliba lacago dheeraad ah.

In wakiilka Paul Pogba uu boqolkiiba lacag aad u badan ka helay iibkii xidiga ree France ayaa muujisay in uu meesha ku jiray lahaanshe dhinac saddexaad kaas oo Mino Raiola looga shakiyay in uu mulkiyada xidiga uu wakiilka ka ahaa qayb ku lahaa waana sababta ay Juventus baadhitaanka u marayso.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments