RASMI: EA Sports Oo Soo Saartay Kooxda Horyaalka Premier Leaque-ga Ugu Fiican Xili Ciyaareedkan Ee laga Sameeyay Ciyaartoydii Ugu Bandhiga Fiicnayd.

by Mohamoud Batalaale | Friday, May 19, 2017

Shirkada soo saarta ciyaar gacmeeda FIFA 17 ee EA Sports ayaa soo saartay kooxda xili ciyaareedkan ugu fiicnayd horyaalka premier Leaque-ga ee loo yaqaan ‘FIFA Ultimate Team Premier League Team of the Season’ waxayna kooxdani ka kooban tahay liiska ciyaartoydii ugu bandhiga fiicnaa iyada oo waliba loo kala qaybiyay saddex qaybood oo kale ah shaxda kooxda ugu fiican, ciyaartoyda kaydka ugu jiri lahaa shaxdan iyo waliba liis kale oo kaydka ah.

Eden Hazard ayaa FIFA 17 ka helay qiimayn 98 ah halka Ibrahimovic uu helay qiimayn ah 97 waxaana sidoo kale liiskan ku jira lix ciyaartoy oo Chelsea ka tirsan balse waxaa shaxda kooxda ugu fiican ee Premier Leaque-ga ee ay soo saartay EA Sports ku soo baxay afar xidig oo ka mid ah.

Shaxda kooxda xili ciyaareedkan horyaalka Premier Leaque-ga ugu fiican ee ay shirkada EA Sports soo saartay waxaa goolka ugu jira David De Gea halka Kyle Walker, Jan Vertonghen, Cesar Azpilicueta iyo Marcos Alonson ay difaaca ku jiraan.

Waxa kale oo shaxdan ka soo muuqday xidiga horyaalka Premier Leaque-ga xili ciyaareedkan ugu fiicnaa ee Kante, Delle Alli, Sadio Mane iyo Eden hazard. Waxaana weerarka ku jira Harry Kane iyo Lukaku.

Shaxda Kooxda Premier Leaque-ga Ugu Fiican Ee Ay EA Sports Soo Saartay:

Goolhaye: David De Gea – Manchester United (England) – Spain

difaaca Midig: Kyle Walker –  Tottenham Hotspur (England) – England

Difaaca Dhexe: Jan Vertonghen – Tottenham Hotspur (England) – Belgium

Difaac Dhexe:  Azpilicueta – Chelsea (England) – Spain

Difaaca Bidix: Marcos Alonso – Chelsea (England) – Spain

Khadka Dhexe: N’Golo Kante – Chelsea (England) – France

Khadka Dhexe: Dele Alli –  Tottenham Hotspur (England) – England

Garabka Midig: Sadio Mane –  Liverpool (England) – Senegal

Garabka Bidix: Eden Hazard – Chelsea (England) – Belgium

Gooldhaliye: Romelu Lukaku – Everton (England) – Belgium

Gool Dhaliye: Harry Kane – Tottenham Hotspur (England) – England

Badalka EA Sports:

  • Goolhaye: Hugo Lloris –  Tottenham Hotspur (England) – France
  • Difaaca Dhexe: David Luiz –  Chelsea (England) – Brazil
  • Difaaca Dhexe: Toby Alderweireld – Tottenham Hotspur (England) – Belgium
  • Khadka Dhexe: Kevin De Bruyne – Manchester City (England) – Belgium
  • Khadka Dhexe: Christian Eriksen – Tottenham Hotspur (England) – Denmark
  • Gool Dhaliye: Alexis Sanchez – Arsenal (England) – Chile
  • Gool Dhaliye: Zlatan Ibrahimovic – Manchester United (England) – Sweden

Kaydka AE Sports

  • Difaaca Midig: Antonio Valencia – Manchester United (England) – Ecuador
  • Difaaca Dhexe: Michael Keane – Burnley (England) – England
  • Khadka Dhexe: Ander Herrera –  Manchester United (England) – Spain
  • Khadka Dhexe: Adam Lallana – Liverpool (England) – England
  • Gool Dhaliye: Diego Costa – Chelsea (England) – Spain

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments