RASMI: Chelsea Oo Ku Dhawaaqday Inay Ceyriyeen Tababare Antonio Conte & Sarri Oo Xilli Dhow Bedeli Doona

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday goordhaweyd inay ceyriyeen tababaraha Talyaaniga Antonio Conte.

Macalinka reer Talyaani ayaa ka tagaya kooxda ka dib labo sannadood uu hogaaminayay isagoo mudadaas u qaaday kooxda ka dhisan Galbeedka London horyaalka Premier League iyo FA Cup.

Warbixin ay soo saartay Chelsea ayaa lagu yiri: “Mudadii uu Antonio joogay kooxda waxaan ku guuleysanay horyaalkeenii lixaad iyo koobkii sideedaad ee FA Cup.

“Xilli ciyaareedkii aan horyaalka qaadnay, kooxda waxa ay dhigtay rikoor ah 30 guul 38dii kulan ee Premier League ee la ciyaaray, waxa ay sidoo kale kooxda dhigtay rikoor 13 guul oo isku xigta ah.

“Waxaan u rajeyneynaa Antonio mustaqbal wanaagsan.”

Warbaahinta Talyaaniga ayaa shalay oo Khamiis aheyd shaacisay in Conte uusan tababare ka aheyn Chelsea, waxaana kooxda ay xaqiijisay warkaan maanta isagoo wadada u baneynaya Maurizio Sarri.

Madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa shaaca ka qaaday Arbacadii in heshiiska lagu dhow yahay, waxaana uu yiri: “Sarri waxa uu ku dhow yahay inuu noqdo tababare Chelsea ah. Qareenadeyda waxa ay wadahadal kula jiraan qareenadiisa si loo dhameeyo wax walba.”