RASMI: Chelsea Oo Ku Dhawaaqday In Xidiga Soomaaliyeed Ee Mukhtar Ali Uu Heshiis Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxda Vitesse Arnhem.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jul 17, 2017

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in xidigii kooxdeeda ee Mukhtar Ali oo ah ciyaartoy asal ahaan Somali ahi uu safka kooxdeeda kaga baxay heshiis rasmi ah isaga oo heshiiskii amaahda ahaa ee uu ku joogay kooxda Vitesse Arnhem loo badalay mid rasmi ah.

Mukhtar Ali ayaa xarunta da’yarta Chelsea ku soo biiray isaga oo 11 sano jir ahaa wuxuuna qayb ka ahaa kooxdii da’yarta Blues ee xili ciyaareedkii 2015/16 ku soo wada guulaystay FA Youth Cupka iyo UEFA Youth Cupka, wuxuuna ahaa ciyaartoyga kaliya ee kooxdii Blues 10 kii kulan mid kasta u soo ciyaaray.

Qoraal rasmi ah oo Chelsea ka soo baxay oo lagu xaqiijiyay bixitaanka Mukhtar Ali ayaa lagu yidhi: “Maanta Mukhtar Ali waxa uu dhamaystiray u wareegista rasmiga ah ee Vitesse Arnhem. 19 sano jirkani waxa uu dib ugu laabtay kooxda ree Holland halkaas oo uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay intii lagu jiray qaybtii danbe ee xili ciyaareedkii hore oo uu amaah ku joogay”.

Mukhtar Ali ayaa qaybtii hore ee xili ciyaareedkii soo dhamaaday ku soo qaatay kooxda da’yarta Chelsea laakiin waxaa qaybtii danbe ee xili ciyaareedkii hore amaah loogu diray kooxda uu hadda sida rasmiga ah ugu biiray ee Vitesse Arnhem.

Waxaana qoraalka Blues loogu mahad celiyay Mukhtar Ali iyada oo mustaqbalkiisa wanaag looga rajeeyay waxaana qoraalka la sii raaciyay: “Waxaanu Mukhtar uga mahad celinaynaa adeegisiii isla markaana waxaanu wanaag uga rajaynaynaa mustaqbalkiisa”.

Mukhtar Ali ayaa u soo ciyaaray xulka qaranka England ee ay da’doodu ka hoosayso 16 & 17 sano jirkan balse waxa uu si rasmi ah waayihiisa cusub ee kubbada cagta uu ka sii wadan doonaa kooxda horyaalka Holland ee  Vitesse Arnhem.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments