RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday In Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Sportska Ee CAS Rafaacan Uga Qaadatay Ganaaxii Saddexda Kulan Ahaa Ee Neymar JR Lagu Xukumay.

by Mohamoud Batalaale | Friday, Apr 21, 2017

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay rafcaan u qaadatay maxkmaada sare ee ciyaaraha ee CAS si meesha looga saaro labada kulan ee dheeraadka ahaa ee Neymar JR lagu ganaaxay kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii Malaga. Guddida rafcaanka xidhiidhka kubbada cagta Spain ayaa shalay soo diiday rafcaankii ay Barcelona ku doonaysay in Neymar ganaax laga yareeyo balse markale kooxda Balaugrana ayaa kiiskeeda gaysay maxkamada ciyaaraha ee CAS.

Qoraal rasmiga ah oo ay Barcelona soo saartay ayaa lagu yidhi: ” Iyada oo guddida rafcaanku soo diiday rafcaankii ay kooxda kubbada cagta Barcelona ka qaadatay saddexdii kulan ee Neymar JR lagu ganaaxay, waxay kooxdu go’aankan rafcaan uga qaadatay Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Sportska ee CAS”.

Qoraalka Barca oo sii socda ayaa lagu yidhi: ” Waxaa waajib ah in la xusuusto in garsooruhu uu xidga ree Brazil siiyay laba kaadh oo digniin ah kulankii Malaga. Sida uu garsoore Gil Manzano uu ku qoray warbixintiisa kulanka  waxa uu Neymar kaadhka hore ee digniinta ah uu ku qaatay: ‘ in uu ixtiraami waayay fogaantii looga baahnaa in uu jiro laaga xorta ah ee ay kooxda ka soo horjeedaa tuuranaysay kadib markii digniin la siiyay”.

Qoraalka Barcelona ayaa la sii raaciyay: ”  Kaadhka labaad ee digniin ah waxaa lagu ganaaxay: ‘ in uu dhulka dhigay ciyaartoy ka soo horjeeday isaga oo kubbada kula dagaalamayay”. Intaa waxaa dheer in warbixintintiisa ku qoray in Neymar uu sacabka u tumay garsooraha afraad markii uu tunnelka sii galyay”.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments