RASMI: Ander Herrera Oo Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Man United Ka Qaaday Ibrahimovic & Valencia

by Saed Balaleti | Friday, May 19, 2017

Ander Herrera ayaa loo magacaabay xiddiga sannadka ee Manchester United.

Abaalmarintaan oo ay u codeeyaan taageerayaasha kooxda ayaa xiddiga khadka dhexe ee reer Spain waxa uu ku garaacay xiddigii 28ka gool dhaliyay Zlatan Ibrahimovic iyo daafaca Antonio Valencia kaasoo isna ku guuleystay codka xiddigaha kooxda oo ugu codeeyay xiddiga xilli ciyaareedka.

Guusha Herrera ee abaalmarinta ayaa sii wadeysa guulaha ay xiddigaha reer Spain ka gaaraan abaalmarintaan ka dib markii De Gea uu ku guuleystay seddex sannadood oo isku xigta 2014, 2015 iyo 2016.

Xiddiga khadka dhexe ee Basque oo 27 sanno jir ah ayaa United ay ku soo iibsatay 28 milyan ginni sannadii 2014.

Isagoo marna ku jiray marna ka maqnaa shaxdii Louis van Gaal, waxa uu boos joogta ah ka helay xilli ciyaareedkan tababare Jose Mourinho.

Valencia ayaa mar sii hore ku guuleystay abaalmarinta xiddiga xilli ciyaareedka ee ay u codeeyaan ciyaartoyda kooxda.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments