RASMI: Algeria Vs Senegal, Ghana V Egypt Iyo Isku Aadka Tartanka Qaramada Afrika Ee 2017 Oo La Sameeyay

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Oct 19, 2016

Waxaa la sameeyay isku aadka tartanka qaramada Afrika ee 2017 iyada oo ay tartankan ay ka qayb qaadan doonaan 16 xul qaran oo 15 ka mid ahi ay isreeb reeb ku soo kala baxeen. Waxaana tartanka 31 aad ee ee koobka qaramada Afrika marti galinaya dalka Gabon iyada isku aadka lagu qabtay caasimada dalkan ee  Libreville.

Tartanka qaramada Afrika ayaa bilaami doono 14 January,2017, wuxuuna socon doonaa ilaa 5 February,2017.Xulka qaranka koobkan difaacanaya ee Ivory Coast ayaa markale bilaaban doona in ay kooban difaacdaan.

Waxaa Group A ku wada jira xulalka qaramada  Gabon, Burkina Faso, Cameroon, Guinea Bissau halka Group B ay ku wada loolami doonaanAlgeria, Tunisia, Senegal, Zimbabwe  waxaana ugu adag Senegal iyo Algeria.Xulka qaranka Masar ee 7 jeer ku soo guulaystay koobka qaramada Afrika ayaa ku jira Group D waxaana kula jira Ghana, Uganda iyo Mali iyada oo Group C ay ku wada tartami doonaan Ivory Coast, DR Congo, Morocco, Togo iyo waxaana group D ku wada jira.

ISKU AADKA OO DHAMAYSTIRAN:

Group A: Gabon, Burkina Faso, Cameroon, Guinea Bissau

Group B: Algeria, Tunisia, Senegal, Zimbabwe

Group C: Ivory Coast, DR Congo, Morocco, Togo

Group D: Ghana, Mali, Egypt, Uganda

Like it? Share it!

4 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. jinacsanii aradkaa 20-10-2016 at 8:33 pm - Reply

    runtii way adagtahay in lasaadaliyo cida ku gulaysan doontaa lkn waxan lajeclaa ghana. guuuuuuuuuuuuuul kubilaw

  2. ApdiLaHi dHamme 20-10-2016 at 1:08 pm - Reply

    OpzoLuteH LipaaxiiNta Africa zoo Laaptay HaLa capzadoH #VIVA_EGYPT mo sallah , kahraba , Elnenny

  3. ctln 19-10-2016 at 11:11 pm - Reply

    Algeria baa qadyza kopka brahimi Islam slmani mahrez sdex lipaax

    waa MSN ta africa

  4. ibraahim 19-10-2016 at 10:55 pm - Reply

    Waleee group c waa wax kle

Leave A Response