Ramos: “Waxaan Rejeynayaa In Real Madrid Champions League-gii Seddexaad Oo Xiriir Ah Guriga Keento,”

by Jaalle | Wednesday, May 16, 2018

Ciyaaryanada Real Madrid waxa ay niyadooda hadda u weeciyeen Champions League-ga, Ramos waxa uu sharraxay sida ay uga go’an tahay in ay kii saddexaad oo xiriira la soo howdaan.

Kabtanka Real Madrid waxaa uu u riyaaqsan yahay kulanka ay Kiev 26-ka bishan kula dheeli doonaan Liverpool.

“In aan fursad cusub u helno muujinta in aan nahay boqorada Europe waa wax wanaagsan,” ayuu ka sheegay bandhig ay soo qaban qaabisay Movistar.

“Waxaan ku raaxeysan karnaa finale kale anaga oo isku dayeya in aan dib u gadanno farxaddan.

“Qaadidda sanadkii saddexaad oo xiriir ah waxa ay noqon doontaa riyo.

“Waxaan rejeynayaa in aan guriga keenno Champions League-gii saddexaad.”

Real Madrid waa rejada qura ee ay ol’olaan ku qaadi karto koob.

Barcelona ayaa hore isugu darsatay La Liga iyo Copa del Rey.

10 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Mohan isaaq 17-05-2018 at 10:10 am -

    👍👍👍👍waad GlaYsaYzaa 👍👍👍👍👍👍
    💪💪💪💪Inzha Allh amin💪💪💪💪💪💪💪💪💪

  2. cadaani 16-05-2018 at 9:35 pm -

    hadde neymar,cavani iyo mpabbe ayaa laf ka liqi waayay ee ma waxaay celin waynayaan salah,mane,fimino

  3. sharmaarke 16-05-2018 at 8:44 pm -

    waa qaadayza qaaaid sergio ramos UCL horyaal baa ka dhigateen

  4. Maxamed 16-05-2018 at 6:08 pm -

    Liverpool naadi maaha koob iney qaado iska daaye xataa kuma fakarto

  5. Habane 16-05-2018 at 4:55 pm -

    Inshaalah waad qaadi doontaan kii sadexAd oo xiriira

  6. salmaan 16-05-2018 at 4:43 pm -

    Lkn yaan la iloobin inaanay Liverpool haysanin dhex iyo difaac ka horyimaadda ciyaartoyda real weerarka liverpool na waxa ka khibrad badan kuwo real

    • mohamed omar 16-05-2018 at 5:45 pm -

      war saxib werarka liverpool ayaa ka khibrad badan miyaa kuwa real madrid dee malaa khibradaan taynu naqanay ayn yanan kubada cagta kufsanin saxib ee aynu sideena u dayno 😂

  7. axmed m. cabdulle uurdoox 16-05-2018 at 3:49 pm -

    Kabtan Ramos vs kooxdiis inkasta oo ay kaftan ogoleyn hadana 3 leyda weerarka liverbool wuu ku dhibtoon doonaa habeenka 26 mey raacidooda

    • Sefudiin Xabibull 16-05-2018 at 4:58 pm -

      Axmad sxb inkasto habenkas ey aniga haben gara ii tahay oo labada koxba an isku tagero hadana guusha waxan u rajen dona wilasha Liverpool sababtana wa inan kor u qado magaca maxama salah waxan u rajenaya inu noqdo wilkii jabin laha rokorkii so socde 10ka sano ee udhaxeye labada nin Ronaldo &Missi

      • naasir 17-05-2018 at 11:56 am -

        Haa saaxiib aduunyada kubada cagta waa inay horumar samaysaa oo la helaa miisiyo iyo ronaldoyaal ka khatarsan kuwii hore aniga kooxna ma taageero laakiin sidaan wax usaadaaliyo ayay noqotaa badanka waxaanan jecelahay in mar walba samaysmo isbadal horumareed kooxduu doono ha ka yimaadee