Raisul Wasaaraha UK Theresa May Oo Sheegtay Waxa Ay U Sameyn Doonto Xulka England Ee Ku Soo Haray Afar Dhamaadka Koobka Aduunka

Ra’isul wasaaraha UK Theresa May waxa ay dooneysaa in ay xulka England ku soo dhaweyso wadada Dowenig kaddib markii ay ku soo hareen afar dhammaadka koobka aduunka.

Saddexda Libaax waxaa koobka 2-1 uga soo reebay Croatia.

Kieran Trippier ayaa gool xilli hore u dhaliyey balse waxaa ciyaarta waqti dheeri ah u diray Ivan Perisic.

Mario Mandzukic ayaa waqtigii dheeriga aha aka dhigay goolkii qalbi jabka ku riday England oo 52 sano kaddib dooneysay in ay hanato koobka aduunka.

Laakiin iyada oo uu dalka UK galay bil kubadded, May waxa ay dooneysaa in ay u aqoonsato kooxda soo dhaweyn ay ugu sameyso Dwowing.

“Dhabtii waxaan jecel nahay in aan soo dhaweyn u sameynno xulkakubadda cagta ee England, kuwaas oo wax wanaagsna ka sameeyey Russia, taasina waa arin aan kala hadli doonno xiriirka kubadda cagta,” waa sidaas yiri afhayeenkeeda.

England waxaa lagu amaanay in ay dib xiriir ula yeesheen taageereyaasha tan iyo 1990.

Maalinta axadda ah ayaa la dheeli doonaa fiinaalaha koobka aduunka oo u dhexeyn doona France iyo Croatia.