Qorshaha Barcelona Ee Suuqa Kala Iibsiga Bisha January Oo La Kashifay & Yaa Ka Tagaya? Yaase Imaan Doona Camp Nou?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Oct 13, 2017

Inkastoo ay saxiixyada cusub ee Barcelona Nelson Semedo iyo Paulinho ay si fiican ula qabsaden kooxda, hadana waxaa jirta baahi ay qabto kooxda taasoo ku qasbi doonta iney isku daydo bisha January iney suuqa dhaq-dhaqaaq ka sameyso.

In kooxda lumiso Neymar Junior, sidoo kalana ay ku fashilanto saxiixyada Philippe Coutinho & Marco Verratti ayaa ka dhigtay in jamaahiirta aysan ku qancin hanaanka shaqada ee maamulka hadda haya inkastoo lagu fashilmay in loogu codeeyo in talada laga tuuro.

Maamulka kooxda wey ka badbaadeen mooshinka uu keenay Agusti Benedito, balse wali raaxo uma taalo, waxeyna sameyn doonaan bisha January tijaabo adag.

Dhawr tilaabo ayey macquul tahay iney qaadaan maamulka, mana ahan kaliya shaqada in laga qaban doono banaanka.

ARDA TURAN:

Maamulka Barcelona waxey isku dayi doontaa iney macsalaameyso Arda Turan kaas oo aan ku jirin qorshaha tababare Ernesto Valverde, bisha January ayeyna macquul tahay inuu kooxdsa isaga guuro.

Waxaa jirta fursad uu Arda Turan dib ugu laabanayo kooxdisii hore Galatasaray, balse wuu iska diiday wuxuuna ka doorbiday inuu iska joogo kooxda.

Waa arin ay maamulka u baahan yahiin iney xaliyaan.

Yerry Mina:

Heshiiska uu Yerry Mina ku imaanayo Camp Nou goor hore ayaa la isla meel dhigay, wuxuuna kusoo dhaqaaqayaa aduun dhan 9 Malyan oo Euro, balse waxaan wali la isla meel dhigin xilliga rasmiga ah ee xidigaan uu imaanayo kooxda.

Warbixino hordhac ah oo la helay, bilowgii arintiisa waxey muujinayeen inuu joogayo kooxdiisa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka, balse waxaa jira warbixino kale oo qeexdaya inuu imaanayo January.

Xidig Khadka Dhexe ah:

Marco Verratti ayaa ka mid ahaa bartilmaameedyada ugu waaweyn ee Barcelona xagaagii lasoo dhaafay, balse ma uusan imaanin.

Jean Michael Seri ayaa aad ugu dhawaa inuu kusoo biiro Barcelona ka hor inta aysan maamulka isaga bixin arintiisa, inkastoo wali uu qarka u saaran yahay inuu yimaado Camp Nou.

Leon Goretzka ayaa ah xidig kale oo ay Balaugrana xiiseyneyso, heshiiska uu Schalke kula jiro wuxuu dhacayaa June, heshiiskaan maamulka ayaa u baahan iney si dhaw uga shaqeeyaan.

Dhanka kale Philippe Coutinho ayaa diirada u saaran wali Barcelona, inkastoo ay ku waayeen lacag walba oo ay gudbiyeen suuqa xagaagii hore hadana wey saacidi weysay codsigii xidiga reer Brazil.

Bisha January wey adag tahay inuu xidigaan baxo, balse wali waxaa jirta rajo uu ka qabo inuu u wareego garoonka Camp Nou.