Qiimo Lacageedka Ay Real Madrid Ku Burburineyso Heshiiska Uu Julen Lopetegui Kula Jiro Xiriirka Kubadda Cagta Spain Oo La Shaaciyay.

Real Madrid ayaa shalay ku dhawaaqday in tababare Julen Lopetegui uu la wareegi doono xilka tababaranimo ee kooxda kadib koobka Aduunka, wuxuuna badal buuxa u noqon doonaa tababare Zinedine Zidane oo isaga tagay kooxda maalmo kadib markii uu u hogaamiyay koobkoodii 13-aad ee horyaalada yurub.

Los Blancos waxey magacaabeysaa tababarahii afaraaad 4-tii sano ee lasoo dhaafay, waxaana kooxda laga ceyriyay Carlo Ancelotti iyo Rafael Benitez ka hor inta aan Zidane la magacaabi.

Haddaba Real Madrid waxey ku qasban tahay iney bixiso lacagta lagu jabin karo heshiiska uu tababare Julen Lopetegui kula jiro xiriirka kubadda cagta Spain, waana 2 Malyan oo Euro.

“Xiriirka kubadda cagta Spain waxey heli oonaan lacagta lagu jabin karo heshiiska Julen sidaas darteed ayuu macalinka ugu saxiixi karaa Real Madrid” ayaa lagu qoray bayaan kasoo baxay kooxda Los Blancos.

Lopetegui dhawaan ayuu qandaraaska u kordhiyay qaranka, waxeyna ku qasban tahay kooxda iney bixiso lacagahaas, waana macalinkii shanaad ee ay ka bixyaan lacag lagu jabiyo heshiiskooda.

Toshack, Pellegrini, Mourinho iyo Ancelotti ayey qiimo lacageed wadar ahaan 16 Malyan oo Pound ka siiyeen kooxahii ay markaas leylinayeen.