Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Soo Laabashada Lahaa Ee Ay Tottenham Barbaraha Ku Qabatay Juventus Ee Champions League – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

by Saed Balaleti | Wednesday, Feb 14, 2018

Tottenham ayaa faa’ido heysata ka hor lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee ay la ciyaarayaan Juventus ka dib markii ay sameeyeen soo kabsasho ah cajiib ah iyagoo barbaro 2-2 ku qabtay Bianconeri lugtii hore oo xalayto ka dhacday Turin.

Spurs ayaa looga naxsaday labo gool uu sagaalkii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta uu ka dhaliyay weeraryahanka Juventus Gonzalo Higuain, tan hore waxa ay aheyd laad xor ah oo si degdegsiimo ah loo tuurtay ka hor inta uusan dhalinin rigoore.

Laakiin Spurs ayaa maamuleysay inta ka harsaneyd ciyaarta, Harry Kane ayaa gool u soo celiyay Spurs ka hor dhamaadkii qeybta hore isagoo kubada la dhaafay goolhaye Buffon islamarkaana shabaqa faaruq ah dhex dhigay ka dib markii uu kubad dhex bixis ah ka helay Dele Alli.

Higuain ayay aheyd inuu dhameystirto seddexleydiisa isagoo rigoore labaad oo loo dhigay ku dhuftay birta, waxaana Juve goolkaas ay iska qasaariyeen ku ciqaabay Christian Eriksen kaasoo laad xor ah oo joog hoose ah ka dhaliyay daqiiqadii 71aad.

Xiddiga garoonka – Mousa Dembele

Inkastoo Eriksen uu wacdarro u dhigay Spurs isagoo sameynayay baasas dhaadheer islamarkaana uu dhaliyay goolka barbaraha hadana Dembele ayaa muhim weyn u ahaa koontaroolida khadka dhexe. 30 jirkaan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed kale oo cajiib ah, waxa uu ahaa xiddig ugu kubad taabasho badnaa garoonka (110), waxa uu dhameystiray baasaskii ugu badnaa (94), waxaana uu sameeyay kubad celintii ugu badneyd (afar) marka loo eego ciyaaryahanada kale ee ciyaarta.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Juventus: Buffon (6), De Sciglio (7), Benatia (7), Chiellini (7), Sandro (6), Costa (7), Pjanic (8), Khedira (6), Mandzukic (7), Higuain (8), Bernadeschi (7)

Bedel: Sturaro (5), Bentacur (5)

Tottenham: Lloris (7), Aurier (6), Sanchez (7), Vertonghen (7), Davies (6), Dembele (8), Dier (6), Eriksen (8), Alli (7), Lamela (8), Kane (8)

Bedel: Lucas (5), Son (5), Wanyama (5)

4 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Waxan Ahay tageeraha ween kooxda faca ween Tottenham kulanka dambe Tottenham 2-1 juventus

  2. c/wali 14-02-2018 at 2:54 pm -

    wan taager sanhy totiham dhibcaha cyaar laagama qaado

  3. Khalid nadaro 14-02-2018 at 1:45 pm -

    tottenham way soo baxaysaa insha allah

  4. Steven G 14-02-2018 at 8:32 am -

    Xalay tottenham si fican ayey u ciyaareen weeyna uqalmeen