Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay England & Brazil Barbaraha Ku Galeen Garoonka Wembley – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 15, 2017

Xulka England oo da’ yar ay u badnaayeen ayaa tijaabo adag maray iyagoo barbaro goolal la’aan ah ka helay xulka Brazil ciyaartii saaxiibtinimo ee xalayto ka dhacday garoonka Wembley ee magaalada London. Hadaba kumaa ahaa xiddiga garoonka?

Xiddiga Garoonka – Joe Gomez

Gary Cahill ayaa la filayay inuu xalayto ku soo bilowdo, laakiin markii Gomez lagu soo bilaabay kulankiisii ugu horeysay ee buuxa ee England, waxa ay dad badan u cabsi qabeen da’ yarka kooxda Liverpool.

Joe Gomez was England's man of the match against Brazil

20 jirkaan ayaa ka horyimid Neymar, Gabriel Jesus iyo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Philippe Coutinho waxaana uu ahaa xiddigii England ee ugu fiicnaa ciyaartii Wembley, waxa uu shaqo badan ka qabtay dhamaan xariiqda difaaca England isagoo ku qasbay seddexda weeraryahan ee Brazil inay kubado meel dheer ka soo qaadaan qeybtii hore.

Gomez ayaa sideed jeer celiyay kubado weerar ah, waxaana uu dhameystiray boqolkiiba 87 baasaskii uu sameeyay habeen ay England ku dhibtooneysay inay ceshato kubada. Waxaan shak ku jirin in Gomez lagu dhex arki doono England ka hor inta aysan Russia u duulin.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA:

England: Hart (7), Gomez (8), Stones (7), Maguire (6), Walker (6), Livermore (6), Loftus-Cheek (6), Dier (6), Bertrand (6), Rashford (7), Vardy (6)

Bedel: Lingard (6), Solanke (6), Abraham (6), Young (6), Rose (NA)

Brazil: Alisson (6), Alves (6), Marquinhos (7), Miranda (7), Marcelo (6), Paulinho (6), Casemiro (6), Augusto (6), Coutinho (7), Gabriel Jesus (6), Neymar (7)

Bedel: Willian (6), Fernandinho (6), Firmino (6)

Xiddiga garoonka: Joe Gomez

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments