Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Chelsea Garoonkeeda Stamford Bridge Ku Dubatay West Brom – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

by Saed Balaleti | Tuesday, Feb 13, 2018

Eden Hazard ayaa dhaliyya labo gool iyadoo Chelsea ay ka soo kabsatay labo guuldarro oo isku xigta oo horyaalka Premier League ah islamarkaana ay 3-0 kaga badisay West Brom taasoo ka caawisay inay ku soo laabtaan kaalinta afaraad.

Ka dib markii ay ku bilowdeen si walwal leh, Hazard ayaa dejiyay jamaahiirta Blues ee Stamford Bridge isagoo goolka furitaanka dhaliyay daqiiqadii 25aad, laakiin kooxda martida loo ahaa ayaa u sii muuqatay kuwa ka nugal xaga danbe iyadoo West Brom ay seegtay dhowr fursadood oo ay ciyaarta ku barbareyn kareen.

Victor Moses ayaa ka faa’ideystay kubad qof kale ku sii dhacday taasoo hogaanka u sii labeysay Chelsea daqiiqadii 63aad, ka hor inta uusan Hazard dhaliyay gool seddexaad oo qurux badan taasoo seddexda dhibcood u xaqiijisay Chelsea.

Xiddiga garoonka – Eden Hazard

Chelsea ayaa u baahneyd in xiddigooda iftiima inuu soo bandhigo qaab ciyaareed wanaagsan oo uu soo gabagabeeyo guuldarrooyinka isku xiga ee soo gaaray, xiddiga reer Belgium ayaana ka soo baxay wixii laga doonayay.

Goolasha Hazard waxa ay  dhowr jeer Chelsea ka soo saareen god xun, waxaana shaqadiisa madaalenimada ah ay aheyd mid natiijada keentay kulankii xalay ee Stamford Bridge. Hazard ayaa haatan lix ka mid ah sideedii darbo ee ugu danbeysay ee uu helay horyaalka Premier League.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Chelsea: Courtois (6), Azpilicueta (7), Rudiger (6), Christensen (6), Moses 7), Kante (6), Fabregas (6), Zappacosta (6), Pedro (6), Giroud (6), Hazard (8).

Bedel: Cahill (N/A), Willian (N/A), Morata (6).

West Brom: Foster (6), Dawson (5), Hegazi (6), Evans (6), Gibbs (6), Phillips (6), Barry (6), Krychowiak (6), Brunt (5), Rondon (6), Sturridge (5).

Bedel: Burke (5), Rodriguez (6).