Qiimaynta Ciyaartoyda Man United & Watford Ee Kulankii Ay Red Devils Guusha Muhiimka Ah Soo Gaadhay Iyo Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa.

Manchester United ayaa guuldaradii ugu horaysya baday kooxda Waford oo hore afar kulan oo xidhiidh ah u soo guulaysatay laakiin laba gool oo ay Lukaku iyo Smalling dhaliyeen qaybtii hore ee kulankan ayaa United ka caawisay in ay saddexda dhibcood ee muhiimka ahaa soo heshay.

Man United ayaa dhamaadkii ciyaarta ka soo badbaaday cadaadis wayn oo ay Watford ku doonaysay in ay goolka labaad ee barbaraha ku keensato waxayna taasi sabab u noqotay in Matic uu kaadhka cas qaatay ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay kadib markii kaadhka laabad ee digniinta ah la siiyay.

Manchester United ayay guushi muhiim u ahayd si ay kalsooni buuxda uga hesho labadii guuldaro ee hore uga soo gaadhay kooxda Brighton iyo Tottenham. Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood.

XIDIGII GAROONKA: Marouane Fellaini ayaa noqday xidigii garoonka isaga oo si toos ah ugu lug lahaa labada gool ee ay Lukaku iyo Smalling dhaliyeen wuxuuna door muhiim ah ka soo ciyaaray in Red Devils ay guul ka soo gaadhay Watford.

Sidoo kale Paul Pogba ayaa kulankan bandhig fiican ka sameeyay laakiin Alexis Sanchez aaya haysta qiimaynta ugu hoosaysa ee weerarka Man United waxayna isku mid yihii Matic iyaga oo min 5 darajo oo kaliya ka helay qiimaynta 10/10 ka ahayd.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA KOOXAHA MAN UNITED IYO WATFORD.

Watford: Foster (7), Janmaat (6), Cathcart (7), Kabasele (7), Holebas (7), Doucoure (7), Capoue (6), Hughes (6), Pereyra (6), Gray (7), Deeney (7).

Badalkii: Femenia (5), Masina (n/a), Success (n/a).

Man Utd: De Gea (7), Valencia (7), Smalling (7), Lindelof (7), Young (7), Pogba (8), Fellaini (8.2), Matic (5), Sanchez (5), Lukaku (7), Lingard (6).

Badalkii: Martial (6), McTominay (n/a), Bailly (n/a).

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Laacib dadka beenta ka daya Plz qementiina iyo tan maxay kala tahay
    Produced a fine save to deny Troy Deeney at 0-0 as United’s defence threatened to cause chaos again and saved United right at the end again to give them all three points. 9

  2. Waa kulanka aaan u baahneen inaaa badino waana qabsanay wadadii ayaa cagta saarnay man utd viva insha Allah kulamada danbe iyo sidaan si ka sii fiican ayaa rajeyneyna viva Manchester united

Comments are closed.