Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Man City & Fulham Ee Kulankii Ay Sky Blues Guusha Wayn Ku Gaadhay Etihad Stadium, Ayaa Noqday Xidigii Garoonka?

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku dubatay kooxda heerka labaad ka soo dalacday ee Fulham iyada oo Leroy Sane uu kulankiisii ugu horeeyay ee uu shaxda Guardiola ku soo bilawday uu u baahday 90 ilbidhisqsi oo kaliya isaga oo dhaliyay goolkii furitaanka halka David Silva uu raacsaday goolka labaad ee City.

Raheem Sterling ayaa dhaliyay goolkii saddexaad ee Manchester City waxayna kooxda Guardiola gaadhay guul muhiim si ay cadaadiska ugu sii hayso kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo sii joogteeyay guulaha boqolkiiba boqolka ah ee ay ku sii jiraan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood ee kulankii Etihad Stadium iyada oo lagu ogaado xidigihii ugu qiimaynta sareeyay.

XIDIGII GAROONKA: David Silva oo kulankiisii 350 aad ee Manchester City saftay ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa isaga oo sameeyay bandhig wayn wuxuuna muujiyay sida uu muhiimad wayn ugu leeyahay kooxda Guardiola.

QIIMAYNTII CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD

Man City: Ederson (7), Walker (6), Otamendi (7), Laporte (7), Delph (8), Fernandinho (8), D. Silva (8), B.Silva (8), Sterling (7), Sane (7), Aguero (6)

Badalkii: Jesus (6), Mahrez (6), Gundogan (6)

Fulham: Bettinelli (7), Christie (5), Odoi (6), Mawson (5), Johansen (5), Seri (4), McDonald (5), Schurrle (6), Mitrovic (5), Vietto (5), Sessegnon (4)

Badalkii: Ayite (7), Anguissa (6)

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Haye aawey qiimeyntii chelsea. Copyga iska dhaaf oo wax soo tarjumta idinku.
    Ceeb calaykum.:-)

Comments are closed.