Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Liverpool & West Ham United Ee Kulankii Reds Ay Xasuuqa Gaysatay Iyo Xidigihii Kulankan Isku Muujiyay.

Kooxda Liverpool ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilaabtay tartanka horyaalka Premier league kadib markii ay 4-0 ku xasuuqday kooxda West Ham United. Jurgen Klopp ayaa daawanayay kooxdiisa Reds oo hiilfaha u qaaday kooxda sida wayn loo soo xoojiyay ee West Ham waxaana afarta gool kala dhaliyay Sadio Mane oo laba gool xili ciyaareedka cusub ku furtay halka Mohamed Salah iyo Daniel Sturridge ay min hal gool dhaliyeen.

Qaab ciyaareedkii Liverpool ee kulankii furitaanka Premier league waxa uu niyadsami wayn siinayaa jamaahiirta kooxda Liverpool iyada oo ay jireen ciyaartoy badan oo si layaableh kulankan iskugu muujiyay gaar ahaan xidigaha sida gaarka ah loo sugayay ee kooxda ku cusub.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo West Ham United ee kulankii Anfield ee ay Liverpool guusha ugu furatay xili ciyaareedka cusub.

XIDIGII GAROONKA: James Milner ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa laakiin waxaa jiri karayay darsin ciyaartoy oo kooxda Liverpool ah oo u qalmay in ay noqdaan xidiga garoonka. James Milner iyo Naby Keita ayaa wada helay min qiimayn 9 darajo ah iyaga oo ugu dhawaan helay qiimaynta ugu saraysa ee 10/10.

Naby Keita ayaa si layaableh ugu bilawday xili ciyaareedka cusub ee Premier league wuxuuna  muujiyay sababta uu wax badan ugu qaban karo kooxdiisa Reds laakiin dhamaan ciyaartoyda Liverpool ayaa kulankan ka helay qiimayn heer sare ah.

Laakiin sida aad dareemi karto kooxda West Ham ayaa heshay qiimayn aad u hoosaysa marka laga reebo Arnautovic, Fabianski iyo Andrson .

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA KOOXAHA LIVERPOOL IYO WEST HAM:

Liverpool: Alisson (7), Alexander-Arnold (8), Van Dijk (7), Gomez (7), Robertson (8), Keita (9), Milner (9), Wijnaldum (7), Mane (8), Salah (8), Firmino (8)

Badalkii: Henderson (6), Shaqiri (6), Sturridge (7)

West Ham: Fabianski (7), Fredericks (6), Balbuena (6), Rice (5), Ogbonna (6), Masuaku (6), Noble (5), Wilshere (6), Anderson (7), Arnautovic (7), Antonio (6)

Badalkii: Snodgrass (6), Hernandez (6), Yarmolenko (6)