Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Arsenal & Newcastle United Ee Kulankii Ay Gunners Guusha Muhiimka Ah Soo Gaadhay-Kumaa Noqday Xidigii Garoonka?

Arsenal ayaa guushii saddexaad oo xidhiidh ah ee horyaalka Premier league ka soo gaadhay kooxda Newcastle United iyada oo si buuxda uga soo kabsatay labadii guuldaro ee ay xili ciyaareedkan ku bilaabtay waxaana kooxda Unai Emery ee Gunners ay hadda awooday in ay si fiican u soo kacdo.

Granit Xhaka ayaa kubbad laaga xorta ah oo cajiib ah hogaanka kooxdiisa ugu dhiibay daqiiqadii 49 aad laakiin Mesut Ozil oo kulankani u ahaa mid khaas ah maadaama oo uu saftay kulankiisii 200 aad ee waayihiisa Gunners ayaa goolka labaad raacsaday daqiiqadii 58 aad halka  Ciaran Clark uu Newcastle United dhamaadkii ciyaarta hal gool u saxiixay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Arsenal iyo Newcaslte United iyada oo ay jiraan xidigo si gaar ah kulankan iskugu muujiyay.

XIDIGII GAROONKA: Saxiixa cusub ee Arsenal ee Sokratis Papastathopoulos ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu bandhig muhiim ah u sameeyay kooxdiisa Gunners isaga oo door muhiim ah ku lahaa in kooxda Unai Emery ay saddexda dhibcood soo qaadatay.

Xhaka, Ritchie, Fernandez, Lacazette, Cech iyo Bellerin oo dhamaantood shaxaha labada kooxood ku soo kala bilawday ayaa qiimayn fiican haley sidoo kale Lucas Torreira oo kaydka uga soo baxay Gunners ayaa samayn fiican sameeyay.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA KOOXAHA ARSENAL IYO NEWCASTLE UNITED:

Newcastle: Dubravka (6), Yedlin (6), Fernandez (7), Lascelles (6), Dummett (6), Murphy (6), Diame (6), Hayden (6), Ritchie (7), Perez (7), Joselu (6).

Badalkii: Clark (7), Muto (6), Kenedy (6).

Arsenal: Cech (7), Bellerin (7), Sokratis (8), Mustafi (6), Monreal (6), Xhaka (7), Guendouzi (6), Aubameyang (6), Ramsey (6), Ozil (7), Lacazette (7).

Badalkii: Torreira (7), Mkhitaryan (6), Welbeck (6).