Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Arsenal & Man City Ee Kulankii Ay Sky Blues Guuldarada Ku Baday Gunners- Xidigii Fashilmay Iyo Kuwii Kulankan Isku Muujiyay.

Manchester City ayaa qaab ciyaareed fiican ku bilaabtay difaacashada koobka premier league laakiin kooxda Unai Emery ee Arsenal ayaa waji gabax fool xun ku furatay horyaaalka Premier league iyada oo Gunners awoodi wayday in ay jamaahiirta Emirates Stadium ka soo xaadiray ay wax madaalo ay ku raaxaystaan ku siiso waxaana ka soo baxday su’aal wayn oo lays waydiinayo taas oo ah haddii Emery uu awood u yeelan karo in uu Arsenal ku soo celiyo kaalmaha sare.

Raheem Sterling ayaa Unai Emery ku soo dhaweeyay goolkii ugu horeeyay ee Emirates Stadium wuxuuna ahaa gool sun ku noqday kooxda martida loo ahaa oo ayna marnaba xal u helin si ay ciyaarta ugu soo laabto balse Bernardo Silva ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta u quus gooyay Emery kadib markii uu dhaliyay goolka labaad ee ciyaarta.

Haddaba waxaa la soo gaadhay waqtigii qiimaynta ee la kala ogaan lahaa sababta Manchester City guushan u gaadhay iyo sababta guuldarada baday Gunners ee dhinaca qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood ee kulankan.

XIDIGII GAROONKA: Bernardo Silva ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu bandhig wayn ka sameyey Emirates Stadium isla markaana uu dhibaato badan ku abuuray difaaca Arsenal, wuxuuna ahaa xidigii dhaliyay goolkii labaad ee ay Sky Blues sida rasmiga ah guusha ugu xaqiijisatay.

Laakiin waxaa kulankan fashil kulankoodii ugu horeeyay ee Arsenal ku bilawday saxiixyada cuusb ee Sokratis iyo Guendouzi  kuwaas oo qiimayn aad u hoosaysa kulankan ka helay waxaana la mid ah Xhaka, Mustafi, Maitland-Niles iyo Mkhitaryan oo dhamaantood liiska fashilma kulankan ku diwaan gashan.

Laakiin sidoo kale waxaa fashil la kulmay xidiga uu Emery kaydka ka soo kiciyay ee Lacazette iyo Torreira oo uu doonayay in ay ciyaarta wax badan ka badalaan. Sidoo kale Gabriel Jesus oo Man City kaydka uga soo baxay ayaan wax saamayn ah yeelan.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA ARSENAL VS MAN CITY:

Arsenal: Cech (6), Bellerin (6), Sokratis (5), Mustafi (5), Maitland-Niles (5), Guendouzi (5), Xhaka (5), Mkhitaryan (5), Ramsey (6), Ozil (6), Aubameyang (6).

Badal: Lichtsteiner (6), Lacazette (5), Torreira (5).

Man City: Ederson (6), Walker (7), Stones (6), Laporte (6), Mendy (7), Silva (8), Fernandinho (6), Gundogan (6), Mahrez (6), Aguero (6), Sterling (8).

Badal: De Bruyne (6), Jesus (5), Sane (n/a).