QIIMAYN: Wargayska Liverpool-Echo Oo Qiimayn Ku Sameeyay Bandhiga Ciyaartoyda Liverpool Ee Xili Ciyaareedkan Iyo Xidig Lama Filaan Ah Oo Ugu Sareeya.

Wargayska magaalada Liverpool ka soo baxa ee Liverpool-Echo oo ayaa qiimayn ku sameeyay ciyaartoyda kooxda Reds ee kulamadii xili ciyaareedkan iyada oo qiimayntan lagu saleeyay bandhiga uu ciyaartoy kastaaba soo sameeyay iyada oo celcelis ahaan loo eegay kulamadii ay soo ciyaareen.

Waxa kale oo qiimayntan ku jira ciyaartoy kasta oo Liverpool u saftay shan kulan ama wax ka badan waxaana qiimayntan ka maqan ciyaartoyda shan kulan wax ka yar saftay kuwaas oo aan qiimayntan ku jirin maadaama oo ay fursad yar oo ay isku muujiyaan heleen.

Qiimaynta wargayska Liverpool-Echo  waxaa kaalinta kowaad ka galay ciyaartoy lama filaan ah kaas oo ka sare maray dhamaan magacyadii waa waynaa ee la filayay in ay halka ugu saraysa gali karaan balse waxaa u gooyay bandhigiisii cajiibka ahaa ee uu soo sameeyay.

Difaaca da’yarka ah ee Joe Gomez oo sanadkiisii ugu horeeyay difaaca dhexe ee Liverpool si joogto ah uga ciyaaraya ayaa noqday layaabka qiimayntan ee kaalinta kowaad galay kadib markii uu sameeyay qaab uu cid walba kaga yaabsatay.

Joe Gomez oo xili ciyaareedkii hore difaaca midig ka ciyaarayay ayay jamaahiirta Liverpool doonayeen in uu Klopp ka ciyaarsiiyo difaaca dhexe balse markii uu xili ciyaareedkani bilawday oo Matip uu dhaawac ahaa isla markaana uu Lovern koobkii aduunka fasaxiisa ku maqnaa ay Klopp qabsaday in uu aqbalo soo jeedintii jamaahiirta kooxdiisa ee joogtada ahayd.

Balse waxaa layaab noqotay in Gomez uu lamaane difaaca dhexe oo aan la rumaysan karin la noqday Van Dijk taas oo keentay in Klopp uu si buuxda u aaminay balse hadda qiimaynta Liverpool-Echo  ayaa rumaysay wixii ay jamaahiirta Liverpool hore u aaminsanaayeen iyada oo Gomez uu noqday mid xataa Van Dijk ka qiimayn sareeya.

Haddaba halkan kaga bogo Qiimaynta Wargayska Liverpool-Echo  uu ku sameeyay Dhamaan Ciyaartoyda Liverpool ee Saftay Shan Kulan Ama Wax Ka badan:

12. Jordan Henderson: 6.28

11. Naby Keita: 6.4

10. Trent Alexander-Arnold: 6.44

9. Mohamed Salah: 6.6

8. Roberto Firmino: 6.64

7. Sadio Mane: 6.73

6. Andrew Robertson: 6.8

5. Alisson Becker: 6.8

4. James Milner: 7.0

3. Georginio Wijnaldum: 7.2

2. Virgil van Dijk: 7.2

1. Joe Gomez: 7.5

Van Dijk iyo Wijnaldum ayaa isku qiimayn ah oo ku soo xiga Gomez iyada oo James Milner uu isna ka mid yahay xidigaha xili ciyaareedkan ugu bandhiga fiican Liverpool.